Haile G/selassie: Rabshadihii Itoobiya waxaa ka dambeeyay warar been abuur ah oo lagu baahiyay Facebook

Xigashada Sawirka, ALLSPORT
Orodyahanka caanka ee u dhashay dalka Itoobiya Haile G/Silaase ayaa BBC u sheegay inuu aad ugu welwelayo wararka beenta ah ee lagu baahiyo Facebook, isaga oo sheegay iney huriyeen rabshadihi bishi hore ka dhacay deegaanka Oromada ee dalka Itoobiya oo sababay iney ku dhintaan 78 qof.
Rabshadahaasi oo ay dowladda ku tilmaantay iney salka ku hayaan qowmiyado iyo diimo, ayaa ku billaawday marki uu mulkiilaha warbaahin caan ka ah dalkaasi uu sheegay iney dowladdu damacday iney ilaalada kala noqoto si ay naftiisa halis u gasho.
Haile Gebrselassie ayaa ka cabsi qaba in xaaladda Itoobiya ka taagan ay ka sii darto, halkaas oo ay si joogto ah uga dhacaan rabshado salka ku haya qowmiyado.
Wareysi uu BBC-da siiyay Gebrselassie oo billada ka haysta cayaraha Olombikada gaar ahaan oroddada, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in warar been abuur ah lagu baahiyay barta Facebook kuwaasi oo sii huriyay rabshadahii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalkaasi Itoobiya.
Orod-yahankan oo sidoo kale dalka Itoobiya ka ah ganacsade caan ah ayaa barta ay bulshada ku wada xiriirto ee Facebook ugu baaqay inay meesha ka saarto warkaasi aan runta ku saleysnayn oo sare u sii qaadi karo isku dhacyo ku saleeysan qowmiyado ama kuwa diimeedba.
Inkastoo aysan suurogal ahayn in la ogaado heerka warbixinnada baraha bulshada ay sare ugu sii qaadeen isku dhacyadii bishii aynu soo dhaafnay hareeyay dalkaasi, haddana waxaa jiray warar qaar oo lagu daabacay barta Facebook oo ay ka mid ahayd qoraal been abuur ah oo sheegayay in askari boolis ah uu dhalinyaro hubeeynayay.
Rabshadihii Bishii hore ayaa bilowday ka dib markii Jawar Mohammed oo ah milkiilaha warbaahin caan ka ah dalka Itoobiya uu sheegay in dowladda ay naftiisa halis galinayso ka dib markii ay damacaday inay ilaaladiisii gaarka ahayd kala noqoto.
Waa kumaa Jawar?
Magaciisa oo seddexan waa Jawar Siraaj Maxamed wuxuuna u dhashay qowmiyadda Oromada.
Jawar wuxuu 12-ka bisha May 1986, uu ku dhashay magaalada yar ee lagu magacaabo Dumuga oo ku taalla xadka ay wadagaan gobolladi hore ee Arsi iyo Harar.
Jawhar aabihii waa Muslim hooyadiina waa Kiristan Madhabta Orthodox aaminsan.
Jawar dugsigisa hoose wuxuu ku dhigtay dugsiga Katolika oo Asella ku yaalla. Dugsigiisa sarana wuxuu ku bartay magaalada Adama isaga oo dugsiga sare ka baxay 2003.
Intaa kadib wuxuu deeq waxbarasho uu ka helay jaamacadda United World College oo ku taalla dalka Singapore isaga oo ka qalin jabiyey 2005.
Wuxuu sida oo kale jaamacadda Standford ka bartay shaahaadada B.A wuxuuna ka bartay cilmiga siyaasadda isaga oo ka qalin jabiyey 2009. Kaddibna jaamacadda Columbia ayuu shahaadada labaad ee mastarka uu ka qaatay isaga oo bartay cilmiga xuquuqda aadanaha wuxuuna ka qalin jabiyey 2013.
2006-dii marki uu dhiganayey jaamacadda Standford wuxuu Jawar aasaasay Ururka Dhalinyarada Oromada Caalamka (IOYA), isaga oo billaabay inuu u dhaqdhaqaaqi inuu dhalinyarada Oromada ee dibadaha ku nool ay midoobaan si ay u raadiyaan qaddiyadda qowmiyadda Oromada.
Kacdoonkii isbadel doonka
Jawar wuxuu ku soo caan baxay khudbadaha iyo bandhigyada uu kaga hadlo siyaasadda dalka Itoobiya, isaga oo weliba qurbajoogta Oromada ee Mareykanka ku nool hormuud u ahaa.
Jawar Maxammed ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay xubin ka ugu muhiimsan ee aasaasay ururka dhalinyarada Oromoda ee 'Qeeroo' oo dalka gudahiisa mudaharaadyada sababay iney dowladda isbeddesho sameeynayey.

Xigashada Sawirka, AFP
Gaar ahaanna Jawar waxaa si gaar ah uu ugu soo caan baxay jidgooyooyinki maalmaha socday ee lagu sameeyey jidadka soo gala caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ugu dambeyntina sababay inuu ra'isal wasaarihi hore ee Itoobiya Haile Mariam Desalegn uu iscasilo xilkana uu la wareego Dr Abiy Axmed oo qowmiyadda Oromada u dhashay.
Jawar waa mulkiilaha isla-markaana maamulaha talafishiinka caalamiga ee OMN oo af-Oromo ku baxa marki dambana af-Amxaari lagu biiriyey.
Dalka Itoobiya marki uu isbeddelka ka dhacay 2018-ka ayuu dib ugu soo laabtay dalka Itoobiya.
Jawar ayaa lagu eedeeyaa inuu qayb ka yahay hurinta colaadaha qowmiyadaha dalka Itoobiya ka dhex dhaca isaga oo lagu sheego inuu farriimo isku dhacyo abuuri karo baraha bulshada ku tabiyo. Wuu beeniyay edyamhaasi.

Xigashada Sawirka, Jawar Mohammed
Xiriirka Abiy Axmed iyo Jawar
Ra'isal wasaare Dr Abiy Axmed iyo Jawar Maxamed waxay ahaayeen laba qof oo aad isugu dhow, jawhar marka uu dalka imanayey 2018-kiina wuxuu Dr Abiy uuu soo dhaweeyey si maqam sare ah.
Hase yeeshee, bilihi ugu dambeeyey waxaa soo ifbaxayey khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay iyada oo warbaahinta OMN uu leeyahay Jawar ay marar tabiyeen barnaamijyo ay ku dhaliilayaan siyaasadda Dr Abiy.
Dr Abiy Axmed shalay mar uu baarlamaanka dalkaasi hortagayna wuxuu carrabka ku dhuftay iney jiraan shaqsiyaad qurbajoog ah oo xorriyadda saxaafadda si khaldan u isticmaalaya, wixi hadda ka dambeeyana aan loo dul qaadan doonin dhibaatooyinka dalka ay ka wadaan. Afka ay doonaanna ha ku hadlaane tallaabba sharci ah laga qaadayo.
Hadalka Dr Abiy ayaa loo fasirtay inuu si aan toos ahayn uu shalay u weeraray Jawar Mohamed taasoo sababtay iney ciidamada federal ah iney xalay gurigiisa ugu galaan.
Taageerayaasha Jawar oo ka xun sida ay dowladda federaalka ula dhaqantay ayaa maanta xiray qaar ka mid ah waddooyinka deegaanka Oromada.










