Haweeney la dhalatay Al Baqdaadi oo Turkiga uu "ku qabtay" howlgal ka dhacay Suuriya

Former IS leader Abu Bakr al-Baghdadi (pictured) was killed in a US raid in Idlib province in October

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Hoggaamiyihii hore ee IS wuxuu ku dhintay weerar lagu qaaday gobolka Idlib ee Suuriya

Haweeney la dhalatay hoggamiyihii hore ee ururka la baxay Khilafada Islaamka, Abu Bakar Al Baqdaadi ayaa lagu qabtay howlgal laga fuliyay Waqooyiga Suuriya, sida ay sheegeen sarakiisha Turkiga.

Haweeneyda oo 65 sano jir ah, waxaa lagu magacaabaa Rasmiya Awad, waxaana lagu qabtay holwgal ciidan oo isniintii laga fuliyay meel ku dhow magaalada Azaz.

Saraakiisha Turkiga waxay sheegeen in xariggan uu fa'iido u noqon karo in la helo sirta qiimaha leh ee ururka IS.

Baqdaadi ayaa is qarxiyay xilli, bishii la soo dhaafay, ay ciidamada gaarka ah ee Mareykanka howlgal ku galeen guri uu degganaa oo ku yaalay Waqooyi-Galbeed ee Suuriya.

Geeridiisa waxaa guulweyn ku tilmaamay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, balse dadka hadalkiisa ka soo horjeeda waxay ku doodayaan in ururka IS uu weli yahay halis amni oo ka tagan Suuriya iyo daafha caalamka.

Mid ka mid ah saraakiisha Turkiga wuxuu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in xarigga Baqdaadi walaashii ka weyn uu "gacan ka geysan karo in la ogaado shaqada gudaha ee ururka la baxay Khilaafada Islaamka".

Wax badan lagama garanayo haweeneydan la dhalatay Baqdaadi, BBC-na ma xaqiijin weli aqoonsiga qofka la qabtay.

Baqdaadi waxaa la dhalatay shan nin iyo dhowr gabdhood, mana cadda ay dhammaan ay weli nool yihiin, sida uu ku warramay wargeyska The New York Times.

An aerial view of the site that was hit by helicopter gunfire during the US raid

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Sawir laga qaaday burburka gurigii uu Baqdaadi ku noolaa

Haweeneyda waxaa laga qabtay gobolka Xalab oo inta badan uu Turkiga maamulo, halkaas oo ay ku qabsadeen howlgal militari oo bishii la soo dhaafay ay sameeyeen ciidamada Turkiga.

Rasmiya Awad waxaa laga helay gaari wayn oo ay ku dhex noolayd. Waxaa la degganaa seygeeda, dumaashideed iyo shan carruur ah, sida saraakiisha Turkiga ay u sheegeen wakaaladda wararka ee AP.

Waxay tilmaameen in su'alo laga weydiiyay shakiga laga qabo iyada ee ah in ay koox xagjir ah ka mid tahay.

Madaxda Turkiga waxay sheegayaan in Rasmiya ay noqon karto "qof sir badan oo muhiim ah haya".

Khubarada waxay sheegayaan in aysan kala caddeyn inta ay gaarsiisan tahay sirta laga heli karo Rasmiya oo ah da'da ka wayn Al Baqdaadi.

"Ilama ahan in ay garan karto weerar qorsheysan, balse waxaa dhici karta in ay hayso sir la xiriirta khadadka marinnada qarsoon u ah IS iyo dadkii ugu dhowaa Al Baqdaadi ee uu aaminay iyo shabakadaha iyda iyo qoyskeeda ka caawiyay in ay ka soo safraan Ciraaq," ayuu yiri Mike Pregent oo ah khabiir ku taqasusay dagaalka ka hortagga argagixisada oo ka tirsan Machadka Hudson.

"Tan waa in ay fursad ka helaan sirdoonka Mareykanka iyo xulafadeena si ay u ogaadaan aragti ku saabsan sida shabakadaha IS iyo qoysaskooda u safraan, sida uu yahay dhaqdhaqaaqooda iyo cidda ay aaminaan."

Maxaa ku dhacay Baqdaadi?

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa 27-kii October ku dhawaaqay dhimashada hoggamiyihii ururka la baxay Khilaafada Islaamka.

AL Baqdaadi wuxuu qarxiyay jakad bam oo u xirnayd ka dib markii uu dhex galay kanaal oo uu kaga baxsanayay ciidamada Mareykanka oo weerar ku qaaday gurigiisii ku yaalay gobolka Idlib ee dalka Suuriya, sida uu sheegay Trump.

US President Donald Trump announced the death of Baghdadi at an extraordinary press conference

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaciyay geerida Al Baqdaadi

Muuqaalka howlgalka ayay ciidamada Mareykanka shaaciyeen maalmo ka dib. Waa mid aan si nadiif ah loo arkin, waxaa ka dhex muuqda diyaaradaha qumaatiga u kaca oo rasaas ku ridaya rag hubeysan oo dhulka ku sugnaa una sii cararayay dhanka dhismaha uu AL Baqdaadi ku dhuumanayay.

Markii ay ciidanka dhulka ku degeen, waxay qarxiyeen qeybo ka mid ah guriga si ay u duleeliyaan, waxayna Al Baqdaadi u sheegeen in uu is dhiibo, sida ay saraakiisha Mareykanka sheegteen. Laakiin wuxuu ku cararay kanaal, wuxuuna qarxiyay jaakad u xirnayd. Waxaa la dhimatay laba carruur ah oo la socotay.

Qoraalka Muuqaalka, Muuqaalka ku saabsan sida uu howlgalka u dhacay - Ciidamada waxay burburiyeen guriga oo dhan

Mr Trump wuxuu sheegay in tijaabo laga qaaday dhiigga huda sidaha (DNA) lagu xaqiijiyay in qofka dhintay uu yahay Al Baqdaadi.

Howlgalka ka dib, dhismaha oo dhan ayaa la burburiyay.

Abu Ibrahim al-Hashemi al-Qureyshi ayaa ka dib loo magacaabay in uu noqdo hoggaamiyaha ururka la baxay Khilaafada Islaamka.