Sacuudiga oo albaabbada u furay dalxiiska marka laga reebo Maka iyo Madiina

Xigashada Sawirka, Frank Gardner
Go'aanka sacuudiga uu qaatay inuu albaabada u furo in loo soo dalxiis tago goobaha dalxiisaka dalkaasi ayaa si weyn u soo jiidatay dalxiisayaasha. Goobaha dalxiiska oo hadda ka hor dalxiisayaasha aan loo oggoleyn ayaa hadda ah mid ay dowladda fasaxaday.
Haddaba, maxay yihiin waxyaabaha ugu mudan ee qofka dalxiis ku tago Sacuudi Carabiya uu arki karo? Maxaan u door bideynaa safarka Sacuudiga? Waxyaabaha ugu muhiimsan ee xusidda mudan ayaa waxay tahay cimilada dalkaasi oo 8 bilood kuleyl ah, dalkaasi oo aan weli lahayn furfurnaan siyaasadeed, xuriiyatul qowl, iyo xayiraado qaar oo weli haweenka saaran si la mid ah waddamada bariga dhex ka jira.
Haddaba, waxaa xusid mudan dalka Sacuudiga Carabiya inuu yahay dal leh beya' kala duwan oo weliba soo jidasho aad u weyn leh.
Dhulka Sacuudi Carabiya intiisa badan waa saxaro haddaba qayba ka mid ah dalkaasi wuxuu leeyahay buuro aad u waaweyn sida buurta Asir oo dhererkeedu gaarayo 3,000 mitir oo ku taallo koonfur-galbeed ee dalkaasi, quruxda badda cas, suuqa khudaarta ee Jidda iwm.
Nasiib ayaan u yeeshay wakhti dheer kaddib inaan booqasha ku tago boqortooyada sacuudi carabiya iyada oo ay iigu dambeysay 1980-yadi, marka waxaan jecleystay inaan halkan ku soo koobo goobaha aan anigu dooranayo in loo soo dalxiis tago.

Xigashada Sawirka, Frank Gardner
Haweenka shisheeye ee dalxiiska ah lagu khasbi maayo in ay xidhaan cabbaayadaha madow ee jidhka wada qariya ee dumarka Sucuudigu gashadaan, laakiin sidaas oo ay tahay ayaa in lebis anshax ka muuqdo ay qaataan la fari doonaa. Haweenka dalxiiska ah lagu qasbi maayo in ay maxram wataan.
"Dhaqan baanu leenahay. Waxaanu rumaysannahay in asxaabtayada iyo dadka dalkayaga soo booqdaaba ay tixgelin doonaan dhaqanka waana xaqiiq inuu yahay mid xishmada dadka fara arintaasina way iska caddahay." Ayuu mar kale yidhi Al-Khadiib.
Dadka aan Muslinka ahayn loo ogolaan maayo in ay tagaan magaalooyinka barakaysan ee Makka iyo Madiina, khamiriguna sidiisuu mamnuuc u ahaanayaa.
Magaalada Jidda
Magaalada Jidda oo ah magaala ganacsi ilaa iyo 1982-kii waxay ahayd caasimadda dalka. Magaalada Jidda waxay weli sii tahay magaalo dhaqan ahaan iyo bilic ahaanba hodan ku ah waxayna ka mid tahay magaalooyinka ugu waaweyn ee badda cas ku yaalla.
waa magaalo dalka sacuudiga intiisa kale xoogaha ka qaboow oo hawo fiicanna leh, waxayna leedahay goobo xeebta ku teedsan oo lagu qaxweeyo, lagu cunteeyo, dadka waddankaasina ay ku cabbaan Shiishadda.
Waxaad xilliyada habeenki arkeysaa yemaniyiin dharka ka ganacsada iyo haween ka soo jeeda dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Jabuuti oo cunnooyinka fudud waddooyinka ku iibinaya.

Xigashada Sawirka, AFP
Marka aad mareyso waddooyinka gudaha xaafadda qadiimka ee loo yaqaanno Balad, ma aha wax cusub inaad maqasho dad ku hadlaya afka Itoobiyaanka oo isku dhex daraya luuqadaha Carabiga iyo Hindi.
Jidda sida oo kale waxay marin u tahay oo loo sii maraa magaalooyinka Maka iyo Madiina, oo sanad walba ay waajibaadka xajka ku gutaan muslimiin ka badan 2 milyan oo qof sanad walba. Xeebta magaaladana waxaa ku yaalla goobaha qurux badan oo dalxiiska ku habbon fursadna aad u heli karto inaad ku dabaalato.

Xigashada Sawirka, AGF/Getty
Buurta Asir
Dad badan oo ku nool deegaannada aan ka fogeyn buurta Asir oo ku taallo koonfur-galbeed ee dalkaasi oo u dhow xadka Yemen weli booqasha kuma aysan tagin buurtaasi. Iyaga oo dadku badankood ay ka cabsadaan iney ku ambadaan madaamaa ay buurtu tahay mid aad u weyn isla markaana luuqyo iyo jeexjeexyo badan leh.
Aniga lafteyda waxaan indhaheyga ku arkay buurta iney aad u weyn tahay oo ay leedahay dhir aad u badan buurtana ay ceeryaamo saaran tahay xilliga xagaaga ahna uu buurtu baraf fuulo.

Xigashada Sawirka, Frank Gardner
Buurta ayaa waxaa lagu sheegaa in laga helo shimbiro iyo daanyeer noocyadeeda kala duwan oo tira ahaan lagu qayaaso 500,00 in laga helo. Buurtuna inteeda badan waxay ka kooban tahay dhagaxaan fiiqan oo aad u dhaadheer iyada oo ay buurtu tahay mid soo jiidasho mudan.
Sanadihi ugu dambeeyey Sacuudi Carabiya wuxuu goobtan dalxiiska ku habboon uu u fasaxay dalxiisayaasha, iyada oo dalxiisayaasha loo diyaariyey mashiinnada ama gawaarida xarkaha iyada oo la adeegsanayo buuraha la isaga gudbo. Waxayna mashiinnadaasi qofka ka qaadayaan qaybaha hoose iyaga oo geynaya tuulada loo yaqaanno Rijaal al-maa'.

Xigashada Sawirka, Frank Gardner
Madaa'in Saalix
Madaa'in Saalix waa goob taariikhi ah oo ku taalla waqooyiga bari ee dalkaasi waxay isku dhow yihiin dhismooyinka dhagaxa laga qoray ee Petra oo ku yaalla waqooyiga Urdun.
Xijaaz waa goob taariikhi ah oo ku taalla biya la moodka carabta, halkan oo ah goobti ay 1917-kii carabtu kula dagaallameen ciidamada Turkiga, waxaana weli lagu arkayaa tareenki qadiimka ahaa ee Xijaaz.

Xigashada Sawirka, AFP
Sanada badan boqortooyada Sacuudi Carabiya kama aysan hadlin oo way qarinayeen Madaa'in Saalix, iyaga oo la xiriirinayey diinta islaamka iyo "xilligi jaahiliga" ee laga soo gudbay.
Balse qorshaha cusub ee Sacuudiga uu ka damacsan yahay dalxiiska oo balaayiinta doolar uu ku bixiyey waxay si weyn uga dhex muuqata haga tusaha dalxiiska loo sameeyey.
Al-Xufuuf
Beeraha timirta ee Al-xufuuf ayaa ah kuwa ballaadhan oo ku yaalla dhulka ugu badan bariga Sacuudi Carabiya, beerahan timirta oo ah kuwa ugu weyn caalamka.
Waxyaabaha sida gaarka ah kuu soo jiidanayo marka aad dhulkaasi mareysid ayaa waxaa ka mid ah godka buurta al-Qarah dhexdooda ku yaalla oo ay hay'adda UNESCO diiwaan gelisay iney tahay goobaha dalxiiska ee dhaxalgalka ah.
Godkuna cimiladiisu waa mid ka qabow dhulka intiisa kale ee aadka u kulul.

Xigashada Sawirka, Frank Gardner
Digniinaha soo baxaya
Qayba badan oo ka mid ah dalka Sacuudi Carabiya dalxiisayaasha ajaanibta ah waa laga soo dhaweeyey haddana khatarta meesheeda kama maqna. Markasta oo ay iisu yimaaddaan ama ay kulmaan laba xadaaradood oo kala fog sida galbeedka sheegta inuu ilbaxnimada ku fogaaday iyo Sacuudiga dhaqankiisu uu adag yahay waxaa ka dhalan kara isfahan la'aan ama dhibaata kale oo halkaasi ka dhacda.
Dumarka Sacuudiga bannaannada sawir isagama qaadi karaan ama loogama qaadi karo ragga Sacuudi ayuuna mas'uuliyadda ugu badan xaasaskooda dusha uu ka saaran yahay. Marka aad ka baxdo deegaannada ka fog mgaalooyinka waaweyn ee Riyaad, Jidda, iyo gobollada bariga ku yaalla dalxiisayaasha reer galbeedka wax xirii ah ma dhax maro oo weliba wey ka shakiyaan gaar ahaanna marka ay kaameerada sawirrada lagu qaado ama taleefannadooda ay la soo baxaan.
Marka marwaliba waa inaad taxaddartaa markasta oo aad dooneysid inaad isticmaasho oo fasax weydiisato!

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sidee dalkaasi looga safri karaa?
- Fiisaha dal ku galka Sacuudiga waxaa muwaaddiniin ka soo jeedda 49 dal ay ka heli karaan online
- Dumarka dalkaasi u soo dalxiis tagaya waxaa laga doonayaa anshaxa labbiska iney ilaaliyaan
- Dadka aan isqabinna waa loo oggol yahay iney huteellada ay qol ku wadaagaan, taasoo ah tallaabba uu sacuudiga ku jabiyey arrin muddo badan dhaqan ka soo ahayd dalkaasi
Ma la isku haleyn karaa?
Ma aha marki ugu horreysay oo ay Sacuudi Carabiya ay qaaddo tallaabbooyin ay ku soo jiidaneyso dalxiisayaasha, waxaana ugu horreysay sanadki 2000.
Balse isku dayga Sacuudiga waxaa si weyn u saameeyey weerarki September 11, 2000 lagu qaaday Mareykanka oo ay sameeyeen 15 muwaaddiniin oo Sacuudi Carabiya u dhalatay.
Wuxuuna dalka Sacuudiga uu qayb ka noday la dagaallanka Alqaacida bartamihi 2,000, haddana waxay dagaal ka wadaan dalka Yemen oo ay deris yihiin iyada oo Sacuudigana marar badan lagu weeraray gantaallo laga soo riday dhanka Yemen.
Marka dalka intiisa badan waa ammaan inkasta oo ay mararka qaar ka dhacaan faldambiyeedyo balse aniga ahaan waxaan kula talinayaa ayuu yiri wariyaha BBC Frank Gardner inta ay dalxiisayaasha safarkooda gelin ay aad ula socdaan talabixinta safarka ee ay dalalkooda siiyaan.

Xigashada Sawirka, Frank Gardner
Kobcinta dalxiisku waxay uu udub dhexaad u tahay dib u habaynta dhaqaale ee uu wado dhaxal sugaha taajka boqorooyada, Maxamed Bin Salmaan, ee looga gol leeyahay in la yareeyo ku tiirsanaanta boqortooyada ee Saliidda.
Qorshahani wuxuu soo baxay iyada oo boqortooyada Sumcaddeedii dunida ay dhaawacday dhaliisha lagu hayo daryeelkeeda xuquuqda aadanaha ka dib markii la dilay saxafigii Jamaal Khaashoqji iyo sidoo kale dumar u ololeeya xuquuqda haweenka oo dhawaan xabsiga loo taxaabay.










