Sacuudi Carabiya oo u yeertay safiirkeedii Canada u fadhiyay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay hakisay dhammaan ganacsigii iyo maalgalintii cusbayd ee kala dhaxaysay Canada, iyadoo arrintaas ku sababaysay "faragalinta" ay ku hayso arrimaheeda gudaha.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga oo Twitterro badan soo qortay ayaa sheegtay in ay eryayso safiirka Canada ayna la soo laabanayso midkeedii Canada u fadhiyay.
Arrintan ayaa timid ka dib markii ay Canada sheegtay "in ay aad uga walaacsan tahay" xiritaanka loo gaystay dad xuquuqda aadanaha u dooda.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Dadka la xiray waxaa ka mid ah Samar Badawi oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dumarka oo Sacuudiga u dhalatay haysatana dhalashada Maraykanka.
Samar ayaa ku baaqaysay in la so af jaro habka Sacuudiga looga dhaqmo ee muxramka.
Xiritaankan ayaa yimid iyadoo amiiirka dhaxalka leh ee Sacuudiga Maxamed Bin Salman uu sannadkan sameeyay isbadallo.
Dawladda Canada ilaa iyo hadda kama aysan hadlin tallaabada dublamaasiyadeed ee uu Sacuudigu qaaday.






