Dal aan beeraley iyo dhulbeereed lahayan haddana beeraha horumar ka gaaray

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sanado ka hor waxaa adkeyd in lagu fakaro dhul beereed la'aan in wax soo saarka beera la meel mariyo, balse taa waxay ka hirgashay dalka Japan.
Yuichi Mori miraha iyo khudaarta uu beeray dul kuma beerin, oo xitaa waxsoo saarka dalagagasi uma adeegsan ciid ama camuud.
Saaynisyahan u dhashay dalka Japan ayaa wuxuu ogaaday qalabka looga talagalay in kalliyaha lagu dhaqo ee loo yaqaanno 'Polimer film' oo biyaha iyo hawadaba gudbiyo in loo adeegsan karo dhinaca waxsoo saarka dalagga gaar ahaanna khudaarta.
Dalagga ayaa waxaa lagu beerayaa dubka sare ee 'Polimer film' oo bac u eg awoodna u leh inuu keydiyo nafaqada dareeraha iyo hawada uu bixitaanka dalagga uu u baahan yahay.
Wuxuuna agabkaasi uu sahlayaa in dalag kasta lagu dul beero iyada oo aan loo egin cimilada, 90% qaabkan ay saaynisyahannadu sooo saareen wuu ka biya isticmaalid yar ah dhul beereedka caadiga ee dalagga lagu beero umana baahno in dawo iyo bacramin dheeraad ah loo isticmaalo.
Tani waa mid ka mid ah tusaalaha horumarka dhanka beeraha ee uu ku tallaabsaday dalka Japan.

Xigashada Sawirka, Mebiol
"Waaxaan ogaaday qalabka loo isticmaalo dhaqidda ama nadiifinta kalliyaha inuu faa'ido kale leeyahay" ayuu yiri Saaynisyahanka oo BBC u warramayey.
Shirkaddiisa Mebiol ayaa 120 dal ka haysata aqoonsiga hal abuurka.
Horumarkan beeraha uu Japan ku tallaabsaday ayaa waxa sabab u noqday: dhulki beeraha ku habboonaa oo dhan marka ay warshado qabsadeen iyada oo ay intooda badan ka shaqeeynayaan mashiinnada (robot).
Teknooloojiyadaha dhinaca beeraha uu dalka Japan billaabay oo ay waddama badan qaateen ayaa waxaa la aaminsan yahay inuu mustaqbalka uu dunida waxbadan ku soo kordhin doono.
Warbixinta ay UN World soo saartay sanadkan oo ku saabsan ayaa tilmaamaya horumarinta kheyraadka biyaha 40% in waxsoosaarka beeraha loo adeegsado halka 45% kobaca magaalooyinkana uu yahay 45%, haddii ay xaalufinta dhirta iyo biya yarida dunida ka jirta ay sidan ku sii socotana ay xaaladda waxsoo saarka beeraha ay ka sii dari karto.

Xigashada Sawirka, Mebiol
Habka dalag beerashada cusub ee uu Yuichi Mori hindisay waxaa si weyn looga isticmaalaa 150 goobood oo ku yaalla dalka Japan iyada oo uu dalka Isutagga Imaaraadkana uu billaabay inuu adeegsado qaabkaasi.
Qaabkan beerashada ee cusub waxaa si weyn looga soo dhaweeyey loogana adeegsadaa waqooyiga-bari ee dalka Japan oo ay si weyn u saameeyeen duufaanti tsunami, shucaaci ka fakaday xaruun niyuukilar marki uu dhul garii ku dhuftay aaggaasi sanadka marka uu ahaa 2011-ka.
Cagafta iyadu iswadda
Tirada dadka dunidan ku nool oo hadda lagu qayaaso 7.7 bilyan ayaa la filyaaa sanadka 2050 marka la gaaro tiradaasi iney gaarto 9.8 bilyan, shirkado badan oo ka duulaya saadaashaasi ayaa waxay durbadiba billaabeen iney ka fakaraan qaab cusub oo lagu soo saari karo baahida cunnada ee dunida soo foodsaari karto.
Dowladda Japan waxay wakhti xaadirkan ku howlan tahay iney sameyso 20 mashiin oo kala duwan oo dadka beeraha ka caawiyo oo beeridda iyo goosashada dalagga gacan ka geysta.
Dowladda oo kaashaneyso Jaamacadda Hokaydo waxay dhawaan sameeysay cagaf iyadu iswadda oo ay hadda tijaabadeeda socoto.

Xigashada Sawirka, Yanmar
Cagafta iskeed iisu wadda iyo cagaf caadi ahba waxaa hal mar wada wadi kara hal qof, taasoo cagafta iskeed iisu waddo qaabka ay u sameysan tahay uu u sahlayo cagafta caadiga ah qofka wado wixi uu sameyso iney iyaduna sameyso.
Horraanti sanadkanna Shirkadda Nisaan waxay sameeysay mashiin (robot) ku shaqeyneyso GPS iyo Wifi.

Xigashada Sawirka, EPA
Beeridda dalagga oo dadyar loo adeegsado
Dalka Japan ayaa wuxuu qorsheynayaa dhalinyarada dooneyso iney shaqeystaan haddana aan aqoon badan u lahayn isticmaalka teknooloojiyadaha cusub inuu dhiirrageliyo.
Dadka waxsoosaarka beeraha ku howlan ee dalkaasi Japan oo 2.2 malyan ahaa waxay hoos ugu dhaceen 1.7 malyan.
Dadka ugu badan ee waxsooaarka beeraha ku howlan ayaa waxay da'dooda u badan tahay 67 jir, halka ay shaqaalaha ugu badan ee ka shaqeeyana ay yihiin xoogsato mushaar ku shaqeyso.
Waxsoosaarka beeraha Japan inuu hoos u dhac uu ku yimaaddo waxaa ugu wacan badka uu dhulka Japan ku fadhiyo oo dhul beereed ku habbooneyn, wuxuuna dalkaasi uu u soo saartaa 40% cuntada uu dalkaasi u baahnaa.

Xigashada Sawirka, Getty Images
85% dhulka dalka Japan ayaa ah buuraley halka dhulki waxsoo saarka ku habboonaana lagu beero bariiska oo dalkaasi u ah cuntada koobaad.
Isticmaalka bariiska ee dalka Japan halka uu 1962 qofki isticmaalayey 118 kiilo wuxuu sanadka 2006 uu hoos u dhacay 60 kiilo taasoo keentay iney beeraley badan ay xirfaddooda beeraha ay u beddeshaan xirfado kale.
Diyaaradaha yaryarka ah ee aan duuliyaha lahayna waxaa loo adeegsadaa beeridda dalagga iyo buufinta beeraha iyada oo howshi qofka ku qaadaneyso maalin dhan ay mashiinnadaasi ku dhammeeyaan nusa saac.

Xigashada Sawirka, Reuters
Teknooloojiyadda cusub ee ay beerashada dalagga u adeegsato dalka Japan waxaa si la yaab leh looga guuleystay soo saaridda khudaarta

Xigashada Sawirka, Getty Images
Koox lagu magacaabo Mirai oo ka howlgala Chiba waxay iyaguna ku guuleysteen rasta ay gurigooda dhexdiisa ku sameeyeen iney ka soo saaraan 10,000 oo ansalaata ah maalin walba.
Marki la arkay dalagga qaabkan cusub lagu soo saaro sida looga guulesytay waxaa seddex jibbaarmay warshadaha soo saarta khudaarta iyaga oo aan ka fogaan goobaha ay warshaduhu ku yaallaan.

Xigashada Sawirka, Mebiol
Isbeddelka Teknooloojiyadda
Dalka Japan oo isku filnaasho ka gaaray dhanka waxsoo saarkan casriga ah ayaa wuxuu doonayaa inuu qaaraddan Afrika uu ka caawiyo sidi waxsoo saarka bariiska ee qaaradda Afrika 2030 uu u gaari lahaa 50 milyan oo tan.
Waddamada gaar tusaala ahaan beeraleyda dalka Senegal wuxuu dalka Japan uu u fidiyaa tababarro iyaga oo tabarradaasi ka faa'ideysanayana ay billaabeen iney wax soo saarka beerahooda ay waraabka u adeegsadaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Halki hektar bariiski laga soo saari jiray oo horay u ahaa 4 tan wuxuu hadda gaaray 7 tan kor u kaca waxsoosaarkaasi oo qayb ka qadatay dakhliga beeraleyda inuu kor u kaco.
Waxay sida oo kale wadashaqeyn dhaw la leeyihiin waddamada Vietnam, Myanmar iyo Brazil.
Ujeeddada ugu weyn ee uu Japan ka leedahay teknooloojiyadahan cusub ee ay adeegsanayso ayaa waxay tahay sanadka 2050 marka la gaaro cunnada dalkaasi uu soo saarto in la gaarsiiyo 55%.










