Maxaad ka taqaanaa dalka ugu nadaafadda badan dunida?

Xigashada Sawirka, Ian Dagnall/Alamy
Marka aad Japan booqato waxa ugu horreeyo ee aad dareemeyso waa nadaafadda ka muuqato meel kasto, oo waddooyinka kuma arkaysid caagadaha iyo qashinka kale marka, su'aasha is weydiinta mudan ayaa ah maxay tahay sababta ka dambeysa in Japan ay heerkaas nadaafadda ka gaarto?
Jawaabta ugu muhiimsan ayaa ah shacabka ayaa kaalin libaax leh ka qaata nadaafadda oo xitaa ardayda yar-yar ee iskuulka dhigata ee 12 jirrada ah ayaa kaalintooda ka qaata.

Xigashada Sawirka, Chris Willson/Alamy
Maiko Awane waa maamule ku xigeenka deeganka Hiroshima. "Xitaa nolosha guryaheena, walidiinta ayaa caruurta bara dhibaatada ay leedahay nadaafad darrada."
Tusaalooyinka qaar ee ku saabsan nadaafadda Japan waa kuwa la yaab leh, sida dhaqanka nadiifinta ee 7-da daqiiqa qaadanayso ee tareenka Shinkansen. Waxayna arrintaasi soo jiidatay dalxiiseyaal badan.
Xitaa taageerayaasha kubadda cagta ee Japan waa kuwa nadaafadda ku xeel-dheer. Koobkii Kubadda Cagta ee Aduunka ee sanaddadii 2014-kii iyo 2018-kii taageerayaasha kooxda qaranka ayaa noqday kuwa ugu nadaafadda badan dunida sababtoo ah waxay la qabsadeen nadaafaddii dalkooda waxayna uruurinayeen qashinka lau tuuro garoonka marka ay dhamaato cayaarta.
Dhanka kale cayaaryahannada ayaa qolalka lagu labisto inta aysan bilaaban cayaarta waxay ka baxayeen isagoo nadiif ah.
"Annaga haddii aanu nahay dadka reer Japan aad ayaanu uga taxadrnaa sumacadeena weliba marka ay timaaddo dadka kale hortooda," ayuu yiri Awane. "Ma dooneeyno in dadka kale ay noo arkaan inaa nahay dad xun oo aan aqoon lahayn."
Goobaha lagu dhigo bandhig faneedka ayaa sidoo kale dadka u soo daawasho tago waxay ilaaliyaan nadaafadda oo qashinka iyo waxyaabaha nadaafadda dhaawacayo way haysanayaan ilaa ka helaan goobaha qashinka lagu guro.

Xigashada Sawirka, Angeles Marin Cabello
Dadka sigaarka cabbo waxay la yimaadaan qalab ay ku ridaan haraaga sigaarka marka ay cabbaan ka dib.
Intaasi waxaa dheer wasakhda aan muuqan sida bakteeriyada iyo jeermiska ayaa iyadana aad looga ilaaliya dalka Japan gaar ahaan marka uu qofka ku dhaco hargabka waxuu xiranayaa maskaraatiga ay xidhaan dhaqaatirta qalniinka fuliya sababtoo ah waxay ilaalinayaan inuu faafo infakshanka.
Haddii aad ku nooshahay Japan waxaad la qabsanaysaa nolosha ku saleysan nadaafadda oo waxaad joojinaysaa inaad sankaaga gacanta ku taataabato.
Marka aad ku soo laabatoo dalkaaga way kugu adkaanaysaa inaad la qabsato dadka iyagoo kuu dhow qufacayaa amaba hidhisoonaya.










