Maxaa hortaagan in diyaarad rakaab oon duliye lahayn la howlgeliyo?

Xigashada Sawirka, Joe Raedle
Waxa ugu weyn ee soo fool leh dunida duulimaadyada ayaa ah diyaaraha aan duuliyeyaasha lahayn, balse waxaa jira saddex caqabood oo hortaagan in lasoo saaro diyaarado rakaab ah oo duuliyo la'aan ah.
Shirkadda diyaaradaha samaysa ee Airbus ayaa bandhigga diyaaradaha ee Paris ee sanadkan ka sheegtay in loo baahanyahay 800 kun oo duuliyeyaal ah 20-ka sano ee soo socda, tiradaas oo ay adagtahay in la helo, sidaas darteedna ay muhiim tahay in la helo diyaarado duuliye la'aan ah.
Siyaasadda
Markasta oo la gaaro horumar xagga tiknoolajiyadda ah waxaa ka dhasha dad guuleysta iyo kuwa guul daraysta sida uu buugiisa ku sharaxayo Nicholas Carr.
Taas waxaa loola jeedaa in dadka shaqooyin u abuurmayaan iyo kuwa shaqooyinka waynaya isbadalka dhacay awgeed ay horseedeyso xaalad aanan lagu wada faraxsanayn.
Haddii diyaarad duuliye la'aan lasoo saaro, taas waxa ay ka dhigantahay in ay shaqooyinka luminayaan kumanaan iyo kumanaan duuliyeyaal , kuwaas oo hadda kala gooshiya dadka.

Xigashada Sawirka, ERIC PIERMONT
Waa meeshan meesha ay siyaasadda soo galayso, duuliyeyaasha waxa ay garab ka haystaan ururada shaqaalaha ee awoodda badan, kuwaas oo xagga gorgortan iyo galaangalka siyaasadeed u isticmaala in ay dhankooda u weeciyaan go'aanada waawayn.
Tusaale ururka duuliyeyaasha ee Air Line Pilots Association (Alpha) waxa uu matalaa illaa 63 kun oo duuliyeyaal ah, waxana uu ururkan ka mid yahay kuwa aanan indhaha ka daawan haddii qof ka mid ah ururkooda uu shaqo weynayo.
Arrintan waxa kale oo ay xitaa saamaynaysaa jaamacadaha iyo iskuulaadka lagu barto duuliyenimada.
Caymiska
Diyaaradaha raqiis ma aha, tusaale diyaaradda nooceedu yahay Boeing 737 oo ah diyaarad yar, waxa uu qiimaheedu kor u dhaafayaa $100 milyan doolar.
Shirkadda diyaaradaha ee American Airlines, hal sanno waxa ay isticmaashay lacag dhan $30 bilyan oo doolar si uun loo dayactiro gaadiidkii u yiilay.
Inkasta oo ay shilalka diyaaradaha yaryihiin haddane waa ay dhacaan, marka ay dhacaana shirkadaha waa ay galaan qasaaro laxaad leh oo ay adagtahay in laga soo kabto.
Waa halkan meesha uu ceeymiska soo galayo, waxana ay shirkadaha diyaaradda galiyaan ceeymis bal si loosoo kabto haddii uu shil dhoco.
Lama oga lacagta rasmiga ah ee ceeymiska ku baxda, sababtoo ah shirkadaha ceeymiska waxa ay illaashadaan sirtooda ganacsiga, balse waxaa la sheegay in sanadkii balaayiin doolar ay ku baxdo lacaga ceeymiska loo dhiibo.
Shilalka hadda dhaca intooda badan waxaa lagu eedeeyaa qaladaad ay galaan bini'aadamka kaxaynaya, balse hadda haddii bini'aadamka meesha laga saaro, waxaa laga yaabaa in shilalka hoos u dhacaan, taasna waxaa is dhimaya lacagaha ay helayaan shirkadaha ceeymiska, taas oo aysan ogolayn shirkadaha.
Hase yeeshee sida dhacday dhawaan, aaladaha casriga ah ee lagu tashanayo waxa laftooda ay keenaan cilado waaweyn oo shilal horseedda, kuwaas mararka qaar xitaa kalifi kara in diyaaradda uusan ruuxna ka badbaadin.
Halistan jirta ayaa sii kordhi karta marka lasoo saaro diyaarado duuliye la'aan ah, waxaana dhici karta in shirkadaha ceeymiska ay aad u kordhiyaan lacagaha ceeymiska.

Xigashada Sawirka, Richard Baker
Mushaaraadka
Duuliyeyaasha waxa ay qaataan mushaarka ugu badan , iyaga oo qaata inta badan dakhliga soo gala diyaaradaha.
Tusaale duuliyeyaasha qaar waxa ay sanadkii qaataan $300 kun oo doolar, taas oo jirta ayaa waxaa haddane gabaabsi ku jira duuliyeyaasha sida aan kor kusoo sheegnay.
Dabcan haddii meesha laga saaro duuliyeyaasha waxaa is dhimaya qarashka ka baxa shirkadaha, balse taas micnaheedu ma ahan in aysan bini'aadam hagaynin diyaaradaha duuliye la'aanta ah.
Doodda ugu xoogga badan ayaa ah in aysan jirin wax badeli kara dareenka iyo feejignaanta bini'aadamka.










