Cabdul Wahaab Al Saacidi : Waa kuma janaraalka muranka badan ka dhaliyay gudaha Ciraaq?

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Dalka Ciraaq waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay dibadbaxyo rabshado wata oo looga soo horjeeday musuq maasuqa iyo shaqo la'aanta ka taagan dalkaas, waxaana rabshadahaas ku dhintay tiro dad ah halka dadka kalena ay ku dhaawacmeen.
Dibadbaxyaasha waxay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ka dhan ah xukuumadda Ciraaq, waxay sidoo kale ka careysnaayeen in Janaraal Cabdul Wahaab Al Saacidi in laga qaado xilkii taliyaha ciidammada la dagaalanka argagixisada kaas oo loo wareejiyay wasaaradda gaashaandhigga ee Ciraaq.
Go'aanka lama filaanka ah ee xilka looga qaaday janaraal Cabdul Wahaab wuxuu Ciraaq ka dhaliyay muran badan, waxaana waddooyinka magaalada Baqdaad buux dhaafiyay dadweyne ka careysnaa tallabadaas.
Waa kuma Janaraal Cabdul Wahaab Al Saacidi?
Janaraal Cabdul Wahaab Al Saacidi wuxuu sannadkii 1963-dii ku dhashay degmada Sadra City oo ka tirsan magaalada caasimadda ah ee Baqdaad.
Sannadkii 1985-kii wuxuu ka qalin jebiyay kuliyadda ciidammada militariga ee Ciraaq.
Wuxuu soo shaac baxay xilliggii dagaalka lagula jiray ururka la magac baxay Dowladda Islaamka, wuxuu hoggaaminayay dagaalkii dib loogu qabsaday magaalada Mowsil kaddib muddo 9 bilood ah oo magaalada lagu hareereysanaa sannadkii 2017-kii.
Markii uu dhacay maamulkii gobolka Anbar ee dalka Ciraaq wuxuu Cabdul Wahaab hogaaminayay ciidammada la dagaalanka argagixisada iyo ciidamo gaar ah kuwaas oo xoreeyay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan koonfurta magaalada caasimadda u ah gobolka Anbar ee Ramadi.
Janaraal Cabdul Wahaab Al Saacidi wuxuu afar jeer ku dhaawacmay dagaalladii ka dhanka ahaa ururka IS.

Xigashada Sawirka, Reuters
Go'aanka lama filaanka ah
Ra'iisul wasaaraha Ciraaq, Cadil Cabdul-Mahdi ayaa gaaray go'aan deg deg ah ee uu ku baddalay Janaraal Cabdul Wahaab kaas oo ahaa taliyihii ciidammada la dagaalanka argagixisada.
Bayaan uu soo saaray janaraalkan ayuu ku sheegay in ra'iisul wasaaraha uu telefoon kula soo hadlay markii uu xilka ka baddalay isla markaasna uusan u sheegin sababta.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Janaraal wuxuu ku tilmaamay go'aanka ra'iisul wasaaraha 'ceeb iyo ciqaab'
"Wax shaqo ah oo iiga bannaan malahaan wasaaradda gaashaandhigga, waxaan dorbidi in aan shaqo ka fariisi ku dhaqaaqo" ayuu yiri Janaraal Cabdi Wahaab Al Saacidi.
'Gacmo shisheeye'
Qaar kamid ah dadka dibadbaxa dhigayo ayaa ku anddacooday 'in go'aanka xilka looga baddalay Janaraalka ay ka dambeeyeen gacmo shisheeye taas oo looga kala jeedo Iiraan.
Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Ciraaq, Khaalid Al-Cubeydi wuxuu sheegay in go'aanka xilka looga qaaday taliyihii ciidammada la dagaalanka argagixisada uu horseedi karo inay guulo gaari karaan kooxaha argagixisada iyo ururka la magic baxay Khilaafada Islaamka.
Ra'iisul wasaarihii hore ee Ciraaq, Heydar Al-Cabaadi ayaa yiri "Dowladda ma qaabkan ayay u abaal marineysaa dagalyahanada difaacay dhulkooda?"
Go'aanka wuxuu soo shaacbixiyay wararka sheegayo in siyaasiyiinta reer Ciraaq aaney ku qanacsaneyn sida Janaraal Saacidi uu uga soo caanbaxayo gudaha Ciraaq
Waxay sidoo kale arrintani imaaneysa xilli ay sare usii kaceyso xiisadda ka dhex taagan Mareykanka iyo Iiraan ee ku aadan harddanka gobolka.










