Nin mindi ku hubeysan oo askar ku laayay magaalada Paris

Xigashada Sawirka, Reuters
Nin mindi ku hubaysan ayaa waxaa xarunta booliiska magaalada Paris, ee faransiiska uu ku dilay 4 askari.
Qofka weerarka fuliyay oo la sheegay in uu ka mid ahaa shaqaalaha ku sugnaa dhismaha ayaa waxaa markii dambe toogtay booliiska.
Goobta uu falkan ka dhacay oo ku taalla île de la Cité - ee bartamaha Paris - ayaa imika la xiray.
Dhacdadan ayaa imanaysa maalin uu ka dib markii ay booliiska Faransiiska ay dhigeen dibadbax ay uga soo horjeedeen tirada sii kordhaysa ee askarta iyagu qudha iska jaraya.
Rai'sul wasaaraha Faransiiska Edouard Philippe iyo wasiirka arrimaha gudaha Christophe Castaner ayaa gaaray goobta ay dhacdadani ka dhacday.

Xigashada Sawirka, Reuters
Duqa magaalada Paris Anne Hidalgo ayaa qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka waxa uu ku xaqiijiyay "in dhowr qof " la dilay.
Waxay sidoo kale wararka sheegayaan in hal qof oo kale uu ku dhaawacmay weerarkaasi.
Sida ay sheegeen booliiska qofka weerarka geystay ayaa ka shaqaynayay qaybta maamulka ee xaruntaasi booliiska.










