Shiinaha ma waxaa ku nool xaywaan mucjiso ah?

Xigashada Sawirka, Pear Video
Bahal wayn ayaa dhex waregaya gudaha biyaha wobiga caanka ah ee Yangtze ee Shiinaha - Waxaana baraha bulshada ee dalkaas qabsaday dood ku saabsan waxa uu noqon karo.
Jimcihii, sawirrada noolahan ayaa lagu baahiyay barta Bulshada ee Shiinaha ee loo garanayo Sina Weibo microblog. Wuxuu u muuqdaa noole dheer oo madow ah, oo marba dhan ugu wareegaya biyaha dhexdooda.
Muuqaallada waxay isla markiiba soo jiiteen malaayiin qof iyo fikradohoodu ay iska soo horjeedaan.
Khubaro ayaa qiimeeyay sawirrada, balse qaar waxay ka qabaan fikrad fudud oo aan culeys weyn lahayn.
Farxadda muuqaallada
Muuqaal laga duubay meel ka baxsan xeebta magaalada Yichang ee gobolka galbeedka ee Hubei, halkaas oo aad ugu dhow biya xireenka Three Gorges, wuxuu dhaliyay arrimo aan caadi ahayn.
Waxaa muuqaalkaas daawatay in ka badan lix milyan oo qof ka dib markii lagu baahiyay barta muuqaallada ee caanka ah ee Pear Video. Wuxuu u muuqdaa kalluun ama mas weyn oo dul sabeynaya biyaha dushooda.
Dadka deegaanka ayaa noolahan duubay iyagoo xeebta ku sugan - dadka adeegsada baraha bulshada ayaa sidoo kale aad ugu farxay fikradaha ku saabsan waxa uu xeywaankan noqon karo.
Dad badan ayaa sii baahiyay sawirrada oo khubarada ay qiimeyn ku sameeyeen.
Wareysi lala yeeshay Wang Chunfang oo ka tirsan Jaamacadda Beeraha ee Huazhong, wuxuu ku beeniyay fikradda ah in noolahan uu noqon karo mid cusub, wuxuuna sheegay in ay u badan tahay in uu yahay "mas iska caadi ah" oo ah kuwa biyaha ku dhex nool.
Qaar ka mid ah dadka fikradahooda ka dhiibtay waxay sheegeen in "arrimaha muuqda, sida wasaqyad" ay suuragal tahay in ay sababeen in masaska ay waaweynaadaan. Balse taas qof kasta kuma qancin.
Muuqaal kale ayaa dhaliyay in dadka qaar ay su'aal ka keenaan in waxan aan la aqoon uu xaqiiqdii yahay walax aysan naf ku jirin.

Xigashada Sawirka, The Paper
Barta wararka ee The Paper, waxay baahisay muuqaal kale oo muujinaya wax dheer oo madow oo biyah ku dhex dhaqaaqaya una muuqda inuusan si fiican u nuuxsaneyn.
Waxay su'aashay "haddii arrinta oo dhan ay tahay 'been abuur'? - waxayna su'aashaas hor dhigtay nin ku taqasusay biology-ga, Ding Li, kaas oo sheegay in waxan uusan ahayn mas ama kulluun midna, balse uu yahay "walax biyaha iska dul sabeyneysa".
Ka dib sawir kale ayaa baahay kaas oo muujinaya dhar dheer oo biyaha ay ku soo dul tuureen dhagxaan. Waxaa billaabatay dood ah in wixii mucjisada ahaa ee la arkay uu noqon karo sheygan.

Xigashada Sawirka, The Paper
Arrimahaas waxay sababeen kaftan ah in dowladda deegaankaas ay dooneysay in sidan ay ku soo jiidato dalxiisayaal, iyadoo malaayiin dollar ay uga baxday dhismaha biya xireenka Three Gorges.
Kuwa kale wuxuu kaftankoodu ahaa tayada sawirrada iyadoo dhanka tayada telefoonnada casriga ah uu Shiinaha ay horumarsan yihiin.
Qaar kale waxay sheegeen in aysan haysan telefoonka Huawei. Mid kalena wuxuu yiri: "xeywaannada mucjisada ah waxay markasta soo muuqdaan marka kaamerooyiinka ay yaryihiin".
Haddaba maxaa ku nool wobiga Yangtze?

Xigashada Sawirka, AFP
Wobiga Yangtze, waa midka ugu dheer qaaradda Aasiya, wuxuuna gaarayaa 6,300km, waana wobiga seddaxaad ee ugu dheer caalamka.
Balse wasaqda ayaa dhowaanahan saameyn weyn ku yeelatay wobiga. Taas wuxuu micneheedu yahay in meesha ay xaywaannada ku noolaan lahaayeen ay aad u yaraatay.

Xigashada Sawirka, Zhang Peng/Getty Images
Noolaha ugu weyn ee la aaminsan yahay in halkaas uu ku nool yahay waa bahalka weyn ee Salamanders kaas oo dherirkiisu yahay 1.8m.
Wuxuuna noolahaas halis ugu jiraa in uu dabargo'o, taas oo loo sababeynayo wasaqeynta hawada iyo biyaha.










