Dembi la xiriira dil "sumacad dhowrasho ah" oo seddax qof loo xukumay

Qoraalka Muuqaalka, Video showed the women and men singing and dancing at a wedding, as Orla Guerin reported in 2012

Seddax nin ayaa lagu xukumay xabsi daa'in kaas oo la xiriira dembi ah in ay ku lug lahaayeen "mid ka mid ah dilalkii ugu xumaa ee sharaf dhowrasho ah" ee ka dhacay dalka Pakistan.

Ragga oo lagu kala magacaabo Cumar Khan, Sabeer iyo Saheer, waxaa lala xiriiriray in ay qeyb ka ahaayeen dilka seddax dumar. Ficilka wuxuu ka dhashay markii la arkay muuqaalka haweenka iyagoo sacbinaya kana heesaya xaflad aroos, sannadkii 2011.

Maydka seddaxdaas haween illaa iyo hadda lama helin. Laba nin oo keli ayaa weli la raadinayaa. Sidoo kale halkii ay ku dambeeyeen laba haween oo ka mid ah kuwan wax war ah laga hayo.

Dilka wuxuu sababay daadin dhiig oo kala aargudasho ah kaas oo sababay dhimashada afar qof oo kale.

Shan nin ayey horey u siideysay maxkamadda Beshan ee gobolka Woqooyiga-Galbeed, Khyber Pakhtunkhwa.

Maxaa loo dilay?

Sharaxaadda rasmiga ah ee sida ay wax u dheceen weli makala cadda.

Muuqaal ayaa soo baxay 2011-kii, kaas oo ay ka muuqdeen koox dumar ah - oo lagu kala magacaabay Bazeegha, Sereen Jan, Begum Jan iyo Amina - oo ku sugan xaflad aroos; wey heesayeen, wayna sacbinayeen. Gabadh shanaad oo lagu magacaabay Shaheen oo 18 jir ahayd, waxaa loo maleynayaa in meesha ay ku sugneyd.

Sidoo kale waxaa ka muuqday nin ciyaarayo - inkastoo illaa iyo hadda aan la hayn, ninka oo hal muuqaal kula jiro gabdhaha. Nin kale ayaa la sheegay in uu muuqaalka duubayay.

Degmada fog ee dhanka Woqooyiga ee lagu magacaabo Kohistan, arrimaha qoyska waxaa lagu xalliyaa dhiig, taas oo fududeysay dilka ugu yaraan seddax ka mid ah haweenkaas.

Sida uu qabo dhaqanka deegaanka, ragga ka tirsan qoys gabadhooda looga shakiyay xiriir ka baxsan guurka - xitaa haddii uu yahay xiriir aan dhib lahayn -Marka hore waxaa la dilayaa gabadha, ka dibna waxaa la raadinayaa ninka ay xiriirka la lahayd. Qoyska ninka la raadinayo kama soo horjeesanayaan ficilka wiilkooda lagu dilayo.

Macnaha wuxuu yahay in qof kastoo muuqaalka ka muuqda - oo loo arko in uu "ku xadgudbay sumcadda" qoyska gabadha - wuxuu ku jiraa halis ah in la dilo.

Sideey arrintan ku soo shaacbaxday?

Dunida waxay muuqaalka ogaatay sannadkii 2012-kii markii Afzal Kohistani - oo la dhashay labada nin ee muuqaalka ku lug lahaa - uu hadlay isagoo sheegay in dumarka la dilay. Markaas wuxuu doonayay in uu badbaadiyo nolosha walaalihiisa.

Ololihiisa wuxuu sababay in maxkamadda sare ay amarto baaritaanka dilka. Kooxdii dembi baarayaasha ahaa waxay laba maalmood u sii safrayeen deegaanka, waxaana markii hore la tusay seddax dumar oo lagu sheegay kuwii muuqaalka ka muuqday ee la la'aa. Arrintaas waxay markii dambe noqotay been.

Afzal Kohistani
Qoraalka sawirka, Afzal Kohistani wuxuu sheegay in noloshiisa ay halis ku jirto

Waxay qaadatay illaa 2018-kii in garsoore uu amro in kiiska uu yahay seddax dil. Bazeegha aabeheed oo ah Sabeer, iyo Saren Jan aabeheed oo ah Saheer iyo Begum walaalkeed Cumar Khan ayaa hadda lagu xukumay xabsi daa'in.

Sikastaba, lama oga dembiyada lagu helay, faafaahinta dheeraadka ahna weli ma aysan soo bixin.

Balse Afzal Kohistani nasiib uma yeelan in xukunka uu goobjoog u ahaado. Go'aankiisii ahaa in uu hadlo wuxuu sababay in 2013--kii la dilo seddax ka mid ah walaaladii, waxaana la gubay gurigiisa.

Lix nin ayaa loo qabtay dilkaas, markii dambena maxkamad ayaa siideysay.

Ka dib, Bishii March ee 2019, Afzal Kohistani waxaa lagu dilay magaalada Woqooyiga Galbeed ku taalla ee Abbottabad.

Dhimashadiisa waxay sababtay in kooxaha xuquuqda u ololeeya ay su'aal geliyaan sababta aan loo siin ilaalo adag maadaama la ogaa in la raadsanayo.

Walaalihiisii ku lug lahaa muuqaalkana weli waxay ku jiraan dhuumaaleysi.

Presentational grey line

Muxuu yahay "dilka sumacd dhowrashada"?

Waa dil loo geysto qof ka mid ah qoys oo looga shakiyo in uu sharafta reerka meel uga dhacay.

Kooxaha Xuquuqda Aadanaha u dooda waxay sheegayaan in sababaha dilka ay ka mid yihiin:

  • In Gabadh ay diido guur ay qoyska diyaariyeen iyadoo aan ogeyn
  • Haddii gabadha la kufsado ama lagu xadgudbo
  • In ay nin la seexato guurka ka hor, xitaa haddii ay eedeyn uun tahay oo aan la hubin

Sidoo kale waxaa dilka sababi kara arriimo ay ka mid yihiin u lebisashada si aan habooneyn iyo dabeecadaha caasinimada.