Farriin whatsapp-ka lagu faafiyay oo sababtay in la garaaco haweeney uur leh

.

Xigashada Sawirka, PA

Qoraalka sawirka, Whatsapp-ka ayaa inta badan loo adeegsadaa faafifnta wararka noocan ah

Dad ku sugan magaalada Delhi ee dalka Hindiya ayaa garaacay haweeney uur leh, ka dib markii ay uga shakiyeen inay carruur afduubatay.

Taliska booliska ayaa BBC-da u sheegay in haweeneyda la garaacay, oo 25 jir ah, ay hadda xaaladdeeda wanaagsan tahay, saddex ruuxna loo xiray falkaas.

Dhacdadan ayaa qeyb ka ah weerarro xiriir ah oo ay sababeen warar la isla dhex marayay oo ku saabsan in carruur lagu afduubtay magaalada caasimadda ah iyo deegaannada jaarka la ah.

Falkan ugu dambeeyay ayaa la sheegayaa in farriintiisa dadka lagu gaarsiiyay adeegga Wahatsapp-ka, iyadoo haweeneydaasna mar qura la far fiiqay.

Sanadkii lasoo dhaafay, weeraro noocan ah ayaa lagu garaacay dad badan, halka qaarna lagu dilay, ka dib markii ay soo baxeen sheekooyinka la xiriira in carruur la afduubtay.

Muuqaal laga soo duubay falka lagu waxyeelleeyay haweeneyda uurka leh ayaa muujinaya iyadoo ay ku hareereysan yihiin koox dad ah. Waxaa sidoo kale laga maqlayaa iyagoo ku eedeynaya inay carruur qafaalatay.

Tirada ugu badan ee weerarrada noocan ah ayaa laga diiwaan galiyay gobolka waqooyiga ku yaalla ee Uttar Pradesh, kaasoo xuduud la wadaaga magaalo madaxda Delhi.

"Ugu yaraan 46 kiis ayaa lasoo tabiyay tan iyo 29-kii bishii lasoo dhaafay ee Agoosto. Dhammaan kiisaskan, waxaan ogaannay inaan loo heynin wax caddeymo ah oo muujinaya in carruur la afduubtay", agaasimaha guud ee ciidamada booliska OP Singh ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

"Waxaan dadka ka codsaneynaa inaysan rumeysanin wararka la isla dhex maro ee noocaas ah. hadduu uu shaki kugu jiro, booliska uun telefoon ka wac, [adigoo kala xiriiraya lambarka ah 100], ama kala xiriir barahaha xiriirka bulshada", ayuu yiri taliyaha.

Degmada Ghaziabad, oo ku taalla duleedka magaalada Delhi, ilaa 6 kiis oo noocaas ah ayaa laga diiwaan galiyay bishii Agoosto gudaheeda.

"Mid kamid ah kiisaska, koox dad ah ayaa weeraray haweeney waayeel ah, xilli ay bannaanka la joogtay carruurta ay adeeyada u tahay. dadka ayaa weerarka ku qaaday maadaama midabka maqaarka jirkeeda uusan la mid ahahy kan carruurta ay xilligaas wadday", sidaas waxaa yiri sarkaal sare oo boolis ah, oo lagu magacaabo Neeraj Jadaun.

Wuxu intaas ku daray in dhammaan dadkii lagu tuhmay inay falkaas ka dambeeyeen xabsiga loo taxaabay.

Inkastoo dhacdooyinka noocan ah laga soo tabinayo guud ahaan waddanka Hindiya, haddana wali ma cadda in heerka afduubka carruurta uu sare u kacay.

Wararka xanta ah ee ku saabsan afduubka carruurta ayaa inta badan lagu faafiyaa Whatsapp-ka iyo farriimaha gaaban ee telefoonnada.

Saraakiisha booliska ayaa dadka ku boorrinaya inaysan aaminin guud ahaan wararka afduubka carruurta ku saabsan ee ay ku arkaan baraha bulshada ama farriimaha loogu soo diro.