Maxaa “loo garaacay" ragga Hindiya ee Shaaribka la baxay?

Dad badan ayaa sawirkan saartay barahooda bulshada

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Dad badan ayaa sawirkan saartay barahooda bulshada

Dadka qaar ee Hindiya ayaa billaabay in ay taageeraan laba nin oo la garaacay ka dib markii ay la bexeen shaarib dheer.

Isbuucii tagay, nin dhallinyaro ah oo ku nool Gujarat ayaa booliska u sheegay in dad ka mid ah kuwa dabaqadda sare ee ladan ay garaaceen.

Wuxuu sheegay in sababta ay tahay in uu saarib dheer la baxay. Saacado ka dib nin ay qaraabo yihiin ayaa middi lagu duray, sida isla ninkaa uu sheegay.

Labada nin waxay ka tirsan yihiin dadka aan la taaban ee la yaso.

Kuwa la sheegay in ay weerareen waxay ka tirsan yihiin dadka Rajput oo ah lagu tixgeliyo arrimaha bulshada ee dabaqadda sare.

Qowmiyadda Rajput waxay ka soo horjeedaan in dadka dabaqadda hoose ay la baxaan shaaribka.

"Xilli fiid ah, anigoo booqanaya saaxiibkey, way i joojiyeen, wayna igu xadgudbeen," ayuu yiri Krunal Maheria, sida uu baahiyay TV lagu magacaabo NDTV.

"(Mid ka mid ah ragga i weerarar) wuxuu ii sheegay in aanan noqon karin Rajput haddii aan shaarib la baxo. Markaan ka diidayna wuxuu igu garacay ul," Ayuu yiri.

Dadka isticmaala baraha bulshada ee Hidniya ayaa arrintaas ka jawaabay, waxayna bedeleen sawirrada u saaran oo ay ka dhigeen kuwo ay shaarib leeyihiin.

"Haddii shaaribka qof Dalit ah uu dhib ku yahay wejiga dadka dabaqadda sare iyo Manuwadi," ayuu bartiisa ku qoray mid ka mid ah dadkii baraha bulshada ku taageeray ragga la weeraray.

Mayur Vadher, oo macallim ka ah iskuul gaar loo leeyahay oo ku yaalla Kondinar oo ku dhow Gujarat, ayaa BBC-da u sheegay in uu bedelay sawirka u saaran WhatsApp-ka si uu u muujinyo sida uu uga careysan yahay dhacdada.

"Maanta, dad badan oo dabaqadda hoose ah waxay leeyihiin aqoon si wanaagsanna way u lebisan yihiin," ayuu yiri.

"Laakiin waa mid aan la aqbali karin in kala sareyntii ay weli jirto qof maskiin ahna loo weeraro si loogu muujiyo in aan lagu faraxsanayn wuxuu sameynayo",

Arrinta kala sareynta ayaa muddo soo taagnayd. Axaddii nin dabaqadda hoose ah ayaa garaacid lagu dilay ka dib markii uu daawaday dabaaldegga Hinduga ee Dussehra.

Bishii May, kumannaan ka mid ah dadkaas ayaa ku dibadbaxay Delhi ka dib rabshado ka dhashay kala sareynta.