Shineemooyinka Hindiya oo lagu amaray inay shidaan heesta calanka

Carruurta Hindiya oo heesaysa heesta calanka

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Waa qasab in la istaago marka la shido heesta calanka

Maxkamadda sare ee Hindiya ayaa amartay in shineemooyinka oo dhan ay shidaan heesta calanka inta aan la bilaabin filinka.

Garsoorayaasha ayaa sheegay in amarka la hirgaliyo toban maalmood gudahood dadkana waa inay istaagaan markii heesta la ciyaarayo.

1960 -yadii iyo 1970-yadii, shineemooyinka ayaa ciyaari jiray heesta calanka, laakiin way yaraatay waayadan danbe. Go'aanka maxkamadda ayaa rayiga dadka ay ku kala duwanaayeen barta bulshada.

Ma jiro hal sharci hindiya oo ku saabsan heesta calanka, 29 -ka gobol ayaa leh sharciyadooda heesta calanka.

Sanadkii 2003, gobolka galbeedka ee Maharashtra ayaa ka dhigay sharci in shineemooyinka ay ciyaaraan heesta calanka, laakiin sanadkii hore, maxkamadda sare ee Madras ayaa go'aamisay gobolka Tamil Nadu in ay arintan keenayso jahawareer.

Arbacadii, laba garsoore ee Dipak Mishra iyo Amitav Roy ayaa go'aamiyay in heesta calanka ay ciyaaraan shineemooyinka oo dhan, iyada oo la arkayo calanka Hindiya.

"Dadka waa inay joojiyaan xoriyada gaarka ah oo ay lahaadaan dareen dal jacayl" ayay warfaafinta Hindiya soo xigteen inay dhaheen garsoorayaasha.

Go'aanka ayaa keenay dood baraha bulshada, oo ay dadka fikradahooda ku kala duwanaayeen go'aanka garsoorka.

Dadka qaar ayaa go'aanka u arkay mid aan loo baahnayn, halka dad kale ay u arkeen in ay caadi tahay. Laakiin dad badan, ayaa warka u arkay wax lagu qoslo.

#Heesta calanka ayaa ahayd waxa ugu wayn ee la hadal hayo Twitter-ka Hindiya maanta.

People's going to theater's just for the entertainment. Not to prove that they are patriotic or loyal to the nation. #NationalAnthem

Xigashada Sawirka, @vikixlr8

This Is how Indians on #Twitter reacted to the SC's National Anthem ruling: http://bit.ly/2gUuC7a

Xigashada Sawirka, @the_timeliners

Best to start playing national anthem at ATM queues no? I mean, we're all standing anyway.

Xigashada Sawirka, @KabirTaneja

So, you can stand outside cinema halls to buy tickets but cant stand inside for #NationalAnthem (1-2 minutes)...!!!!!

Xigashada Sawirka, @manakgupta

Boliis fadhiya shineemada dhexdeeda

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Shineemooyinka oo dhan ma ciyaaraan heesta calanka