Hindiya: Malaayiin qof oo qarka u saaran inay lumiyaan muwaadinnimadooda

Assam

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Hindiya ayaa sheegtay in hannaankan lagu aqoonsanayo soogalootiga sharci darrada ah

Hindiya ayaa daabacday diiwaanka muwaadiniinteeda ku nool gobolka waqooyi bari dalkaasi ku yaal ee Assam, waxaana liiskaasi ugu dambeeyay iska waayay 1.9 milyan oo qof, sidaana ku waayay muwaadinnimadooda.

Diiwaanka oo loo yaqaan National Register of Citizens (NRC) ayaa ah liiska dadka caddeyn kara inay gobolkaasi ku sugnaayeen 24-kii Maarso 1971 oo ah maalintii ka horeysa markii ay Bangladesh madax bannaanida ka qaadatay dalka Pakistan.

Dadka iska waayay liiskan ayaa haysta 120 maalmood oo ay racfaanka uga qaadan karaan go'aanka.

Ma cadda waxa xigi doona marka ay mudadaasi dhamaato.

Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in hannaankan loo baahan yahay si loo aqoonsado muhaajiriinta sida sharci darrada ah uga yimid Bangladesh.

Waxaa hadda Hindiya xeryo ugu jira kumannaan qof oo laga shakisan yahay inay yihiin muhaajiriin sharci darro ah, balse ma jiro qorshe dalka looga saarayo.

Hannaanka ayaa sidoo kale lagu tilmaamay mid ka dhan ah qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee ku nool Assam.

Diiwaan qabyo ah oo sanadkii hore ay daabacday dowladda Hindiya ayaa waxaa magacyadooda ka waayay afar milyan oo qof oo gobolkaasi ku nool.

Muxuu yahay diiwaanka muwaadiniinta?

Diiwaanka NRC ayaa la sameeyay 1951 si loo ogaado dadka ku dhashay gobolka Assam sidaana ku ah muwaadiniin Hindiya iyo soogalootiga ka yimid dalka deriska la ah ee Bangladesh.

Xogta diiwaanka ayaa la cusbooneysiiyay markii ugu horreysay.

Assam

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Dad sugaya diiwaanka NRC

Qoysaska gobolkaasi ku nool ayaa laga dalbaday inay keenaan dukumiintiyo muujinaya asalkooda, kuwa keeni waayayna waxaa loo aqoonsaday inay yihiin muhaajiriin sharci darro ah.

Xisbiga BJP ee uu hogaamiye ra'iisal wasaare Narendra Modi ayaa muddo dheer diiddanaa muhaajiriinta sharci darradaha ku gasha Hindiya, waxaana uu mudnaanta siiyay diiwaanka NRC.

Muxuu diiwaankan gaar ugu yahay gobolka Assam?

Assam ayaa kamid ah gobollada ay degaan qowmiyadaha kala duwan ee Hindiya. Dadka halkaasi ku nool ayaa sanado badan waxa dhexyaallay muran ku salaysan heybta iyo muwaadinnimada.

Dadka gobolkaasi ayaa isugu jira kuwa Bangladesh ka soo jeeda, Hindi ku hadasha luuqada Assam iyo qabaa'illo isku jir ah.

In ka badan boqolkiiba 30 dadka gobolkaasi oo tirada ahaan dhan 32 milyan ayaa Muslimiin ah, waana gobolka labaad ee ugu Muslimiinta badan marka laga reebo Kashmiirta ay Hindiya maamusho. Qaar badan oo dadkaasi kamid ah ayaa asal ahaan kasoo jeeda muhaajiriin gobolkaasi degay markii uu gumaystihii Britishka ka talinayay.

Balse dad si sharci darro ah uga soo tallaabay xuduudda Bangladesh ayaa sanadihii dambe walaac ku hayay gobolkaasi. Xukuumadda Dehli ayaa sanadkii 2016 sheegtay in qiyaastii 20 milyan oo muhaajiriin sharci darro ah ay ku noolaayeen Hindiya.

1.9 milyan ee qof ma sidaa ayay dal la'aan ku noqonayaan?

Maya. Dadka iska waayay liiskan waxa ay racfaan u qaadan karaan maxkamado khaas ah oo lagu magacaabo maxkamadaha gaarka ah ee shisheeyaha iyo sidoo kale maxkamadaha ugu sarreeya Hindiya.

Balse hannaanka racfaanka oo muddo qaadan doona ayaa ka dhigan in maxkamaha mashquulka badan ee Hindiya ay sii hawlo badan doonaan, dadka masaakiinta ah ee liiska iska waayayna ay la daalaadhici doonaan kharashaadka kiisaskooda.

Assam

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Saxeb Cali, oo 55 jir ah ayaan ku jirin liiska.

Haddii ay racfaankooda diidaan maxkamadaha sare, waxaa dadkaasi la xiri doonaa muddo aan la cayimin.

Ku dhawaad kun qof oo horay loogu aqoonsaday shisheeye ayaa hadda ku xiran lix xarumood oo ku dhex yaal xabsiyo. Dowladda Modi ayaa sidoo kale dhisaysa xarumo u gaar ah dadkaasi oo qaadi kara ilaa saddex kun oo maxaabiis ah.

Maxay maxkamaduhu muran badan u dhaliyeen?

Maxkamadaha khaaska ah ayaa markii ugu horreysay la sameeyay 1964, tan iyo markaana waxa ay go'aamiyeen in dad ka badan boqol kun oo qof ay yihiin shisheeye.

In ka badan 200 oo maxkamadahaasi gaarka ah ayaa maanta ku shaqeeya Assam, waxaana lagu wadaa in tiradooda ay kun gaarto bisha soo socota. Intooda badan waxaa la hirgeliyay markii uu talada la wareegay xisbiga BJP sanadkii 2014.

Maxkamadahaasi ayaa lagu eedeeyaa inay ku shaqeeyaan qaab eex ah, waxaana su'aal la geliyaa go'aannada ay gaaraan.

Dadka ay xukun ku rideen waxaa ka mid ah sarkaal hore oo magac weyn ku dhex leh ciidamada Hindiya, Maxamed Sanaullah, kaasoo 11 maalmood u xirnaa inuu yahay shisheeye, waxaana arintaasi ay dhalisay caro badan oo shacabka dhexdiisa ah.

Maxaa laga yeeli doonaa dadka loo aqoonsado shisheeyaha?

Xisbiga BJP ee haya talada gobolkaasi ayaa horay u sheegay in muhaajiriinta sharci darrada ah ee Muslimka ah dalka laga saari doono. Balse Bangladesh ayaan ogolaan doonin inay dadkaasi aqbasho.

Dad badan ayaa rumaysan in arintan ay horseedi doonto in malaayiin qof ay dal la'aan ku noqdaan Hindiya, ayna dhalin karto xasarad la mid ah tan qowmiyadda Rohingya ee kasoo baxsaday Myanmar.

Ma cadda in dadka lagala laabtay muwaadinnimada Hindiya ay heli doonaan adeegyada dowladda ama ay dalkaasi ku dhex yaalan karaan hanti.

Waxaa se suuragal ah in loo ogolaan doono inay shaqeystaan balse aanay codeyn karin.