‘Maroodigii ugu da’da waynaa dunida’ oo ku dhintay Hindiya

Sawir laga soo qaaday Maroodiga geeriyooday sannadkii 2016-kii

Xigashada Sawirka, STR/AFP/Getty

Qoraalka sawirka, Sawir laga soo qaaday Maroodiga geeriyooday sannadkii 2016-kii

Dakshayani ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa Maroodigii ugu weynaa dunida ee la xanaaneysto ayaa ku dhintay da'da 88-sano jir.

Dalka Hindiya si weyn ayaa looga qaddarin jiray Maroodigan, waxaana loo bixiyay magaca "Odeyga Maroodiga' ama Gaja Muthassi.

Waxaa Maroodigan la geyn jiray goobaha munaasaabadaha diimaha ay ka dhacaayaan.

Maroodigan ayaa inta badan lagu arki jiray macbadka ku yaalla Koonfurta gobolka Kerala ee Chengalloor Mahadeva.

Dadkii xannaaneynayay Maroodiga waxaa ay sheegeen in uusan cuntada ka soomay in muddo ah isla markaasna uu geeriyooday Taaladadii.

Waaxda Travancore Devaswom oo maamuli jirtay xarunta uu ku noolaa Maroodigan, oo uu ku yaallo macbadka, ayaa sheegtay inuu ahaa Maroodiga ugu weynaa dunida oo da'diisa lagu qiyaasay 88 jir, in muddo ah laga ilaalinayay inay dhibaataayeen ama dilaan dadka.

Sawir laga soo qaaday Maroodiga geeriyooday sannadkii 2016-kii

Xigashada Sawirka, STR/AFP/Getty

Qoraalka sawirka, Sawir laga soo qaaday Maroodiga geeriyooday sannadkii 2016-kii

Dalka Hindiya waxaa ku nool Maroodi gaarayo 2,400 kuwaas oo hadda la xannaaneysto.

Ha'yadaha duur joogta waxa ay sheegeen in Maroodi badan oo dunida ku nool ay nolol xumo lasoo deristay.

Koox fadhigeedu yahay dalka Britain waxay sheegtay in 800 oo Maroodi lagu hayo macbadyo ku yaalla dalka Hindiya gaar ahaan gobolka Kerala ay ku nool yihiin xaalad qalafsan.