Farriin Email oo khalkhal gelisay diyaarad hawada ku jirtay

Diyaarad nooceedu yahay Typhoon oo kuwa dagaalka ah ayaa diyaaradan rakaabka ah galbisay illaa garoonka

Xigashada Sawirka, Alamy

Qoraalka sawirka, Diyaarad nooceedu yahay Typhoon oo kuwa dagaalka ah ayaa diyaaradan rakaabka ah galbisay illaa garoonka

Diyaarad rakaab oo shirkadda Air India ay leedahay ayaa si "taxadar leh loogu dejiyay" garoonka Stansted ee Britain ka dib markii ay soo bexeen warar sheegaya inuu bam ku xiran yahay.

Duullimaadka AI191 wuxuu kasoo kacay magaalada Mumbai ee dalka Hindiya, wuxuuna ku sii jeeday Newark ee dalka Mareykanka.

Wasiirka difaaca UK ayaa sheegay in diyaaradaha dheereeya ee dagaalka ee loo yaqaano RAF Typhoon in ay hawada ku soo wehliyeen diyaaradda ayna ilaaliyaneen illaa ay ka degeysay.

Shirkadda Air India waxay xaqiijisay in hanjabaad bam lagu diray Email-ka garoonka Mumbai.

Diyaaradda waxay markii hore Twitter-ka ku qortay in arrintan ay "argagaxa abuurtay", balse farriintaas ayaa la tiray, ka dibna waxay Reuters u sheegeen in hanjabaaddu ahayd "been abuur".

War qoraal ah oo kasoo baxay maamulka Stansted ayaa lagu sheegay in diyaaradda ay siday 327 qof oo rakaab ah, lana geeyay qeyb cidlo ah oo ka tirsan garoonka.

Markii ay caddaatay in Email-ka uu been ahaa, diyaaradda ayaa duullimaadkeedii Newark sii wadatay.

Air India tweet
Qoraalka sawirka, Waa Farriinta Twitter-ka ee Shirkadda Air India oo markii dambe la tiray

Xilli sii horreeyay, @DinoGoel wuxuu Twitterka ku daabacay, rakaabka oo dhan "diyaaradda waalaga dejiyay, waala safay, boorsooyiinkoodana waxaa lagu baaray gacmaha iyo eeyo wax uriya".

Wuxuu sheegay in ka dib bas lagu qaaday lana geeyay qeybta ay rakaabka diyaaradda ku sugaan, lana siiyay biyo iyo cunto fudud.

Ka dib wuxuu @DinoGoel Twitter-ka geliyay in isaga iyo rakaabkii kale la qeeyay qeybta guud ee Stansted.

Wuxuu yiri: "Koox cusub ayaa London ka timi. Illaa amar dambe, dhammaan rakaabka waa in dib loomariyo baaritaan amni, qeybta socdaalkana ay soo maraan".

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Presentational grey line

Ka hor inteysan diyaaradda gaarin garoonka, waxaa la diyaariyay Boolis iyo gawaarida dabdemiska, iyadoo laga cabsi qabay in bam uu diyaaradda ku xiran yahay.

Diyaaradaha RAF ee soo kexeeyay diyaaraddan rakaabka siday, waa kuwa dagaalka oo Britain ay u diyaarisay in ay ka jawaabaan dhacdooyiinka halista ah ee hawada.