''Saacado badan oo la shaqeeyaa waxay keentaa xanuun halis ah''

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shaqaynta saacada badan ayaa waxaa lala xiriirinyaa in ay sare u qaaddo khatarta xanuunka Istoroogga waa sida ay sheegeen cilmi baarayaasha.
Saacadaha badan ee lagu qeexay cilmi baarista ayaa lagu sheegay in ay tahay in ka badan 10 saacadood oo ugu yaraan qofku shaqeeyo 50 maalmood sannadkiiba.
Cilmi baarista ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadkii saacadaha badan shaqeeynayay, in ka badan 10 sanadood ayaa la sheegay in ay wajahayaan khatarta ugu badan ee cudurka Istoroogga.
Balse Ururka Xiriirka Istoroogga ee UK ayaa sheegay in ay jiraan waxayaabo badan oo ay dadka ku maareyn karaan dhibaatada ay keento shaqada lagu jiro saacadaha badan, sida jimicsiga iyo si wanaagsan oo aad u cuntayso.
Cilimi baareyaasha oo ka kala socday jaamacadda Angers iyo Xarunta Qaranka Baarista Caafimaadka ee Faransiiska ayaa climi baarista ku saleeyay da'da iyo shaqeynta saacadaha badan, iyagoo wareysiyo iyo taxliilin ku sameeyay ilaa 143,000 oo shaqaala ah.
Rubuc ka mid ah dadkaasi oo saacada badan shaqeynayay 10 sano iyo ka badan ayaa waxaa cudurka Istoroogga laga gelay 1,224 oo qof.
Waxaa sidoo kale cilimi baarsita lagu sheegay in dadka saacadaha badan shaqeeya ay 29% ay khatar ugu jiraan Istoroogga halka kuwa saacada badan shaqeeynayay muddo ka badan 10 sano ay 45% khatar ugu jiraan cudurkan.
Cilmi baaristaan ayaa xoogga saartay tirada, marka la barbardhigo sababaha, balse cilmi baaris kale ayaa sheegtay in dadka ka shaqeeya ganacsiyada ay gaarka u leeyihiin iyo maamuleyaasha sarsare ee shirkadaha ay u muuqdaan kuwa ka khatar yar shaqaalaha caadiga ah, gaar ahaan kuwa shaqeeya habeenkii.
Dr Richard Francis, ayaa sheegay in ay jiraan tallaabooyin sahlan oo uu qofka sameeyn karo xitaa haddii uu shaqeeyo saacada badan.
''Cunidda cunto dheeli tiran, jimicsiga, joojinta sigaarka iyo helidda hurdo kuugu filan.'' ayuu yiri.










