Soogalootiga Afrikaanka ah oo ku batay xadka Maraykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciidamada ilaalada xuduudaha Mareykanka ayaa xadka Texas ku xidhay boqolaal qof oo ka yimid Afrika toddobaadkii la soo dhaafay.
Ciidamada Xuduudaha mareykanka ee (CBP) ayaa sheegay inay laba jibaarmeen muhaajiriinta ka imaanaya dalalka Afrika ee soo qulqulaya iyadoona ay sare u kacayaan dhibaatooyinka bin'aadimo.
In ka badan 500 oo muhaajiriin Afrikaan ah ayaa tagay qeybta ilaalinta xuduudaha ee Del Rio todobaadkii la soo dhaafay, tan iyo 30-kii bishii Maarso.
Si ay sheegtay CBP, Dadkani intooda badan ayaa ah qoysas ka yimid dalalka Angola, Cameroon iyo Jamhuuriyadda Dimuquraadiyadda ah ee Congo.
Toddobaadkii hore ee 30-kii bishii hore, ayaa koox ka kooban 116 qof oo dhaamntood ka soo socdaalay dalalka Afrika waxa ay yimaadeen xuduudda Koonfureed ee Maraykanka.
Qaar badan oo ka mid ah muhaajiriinta ayaa sidoo kale u socdaalay San Antonio oo ku taalla Texas, taas oo u jirta 240 Km (150 miles) waxayna ka yimaaden Del Rio.
Afhayeen u hadashay xukuumadda Magaalada San Antonio ayaa u sheegtay BBC-da in ay "u shaqeynayeen xarumaha samafalka oo loogu talagalay dadka muhaajiriinta ah"oo ay leeyihiin, ayna la shaqeeyaan Hay'adaha gargaarka ee maxaliga ah si ay dadka u siiyaan waxyaabaha daruuriga ah sida Cuntada iyo hooyga.
Sidee bay ku tagayaan Mareykanka?
Wali ma cadda jidka ay marayaan.
Si kastaba ha ahaatee, qaar kamid ah Muhaajiriintan Afrikaanka ah ayaa sheegay in ay soo mareen dalka Barzil, kahor intii aanay imaan waqooyiga Colombia iyo bartamaha Ameerika ayagoo halkaas kuga soo gudbay xuduudda Mexico iyo Maraykanka. Safarka caykaas ah ayaa inta badan qaata bilo dhowr ah.
Bishii May oo kaliya, 144,278 oo muhaajiriin ah ayaa yimid xuduudda Koonfureed, in ka badan 100,000 oo dadkaas ka mid ah ayaa ahaa qoysas iyo carruur.
Laga soo bilaabo bishii December ee sannadkii hore, lix carruur ah ayaa ku dhintay xabsi kuyaal Maraykanka halkaas oo ay ku xidheen ciidamada ilaalada xuduuddaha.










