Haweeneey shaqada looga eryay uur dartii

Amazon
Qoraalka sawirka, Amazon

Haweeneey reer Mareeykan ah ayaa waxa ay dacwad ku soo oogtay shirkadda Amazon, iyadoo ku eedeeyneeyso in shaqadeedii ay weeysay kadib markii ay uur yeelatay, arrintaas oo sare u sii qaaday su'aalaha ku saabsan xaaladaha shaqaalaha u shaqeeya shirkadaas.

Sida laga soo xigtay shabakadda wax ka qorta tegnoologiyadda ee CNET, waxaa kiisas noocan oo kale ah ay horay uga dhaceen shirkaddaan online-ka siddeedii sano ee la soo dhaafay.

Dhammaan dumarkaasi ayaa sheegay inay ku guul dareeysteen in ay helaan waxyaabaha ay uga baahan yihiin shirkadda Amazon, marka ay ku guda jiraan shaqada.

Haweeneydan yaa sidoo kale sheegtay in loo diiday in meel kale loo baddelo.

Balse shirkadda Amazon ayaa ku doodeeysa in ay waligood shaqada qof uga eryin uur dartii, arrimahan na ay yihiin kuwa aan waxba ka jirin.

"Shaqaaleheena waxaan kala shaqeynaa daaweenta ay u baahan yihiin, oo ay ku jiraan arrimaha la xiriira xilliga uurka ay yihiin dumarka.

"Waxaan sidoo kale ka caawinaa in ay helaan fasaxa la siiyo marka ay dhalaan."

Kiiskaan ugu dambeeyay ayaa waxaa maxkamdd geeyay Beverly Rosales oo u shaqeeysa Amazon qeybteeda Golden State.

Waxaana kiiskeeda bisha June dhageeysan doono maxkamadda sare ee California.

Shirkadda online-ka ah ee Amazon waxaa ka hawl gala shaqaalo gaaraya 613,000 oo 100,000 oo ka mid ah aysan ahayn shaqaale joogta ah.

Midowga GMB oo ay ka tirsanyihiin shaqaale badan oo ka hawl gala UK ayaa BBC-da u sheegay in uu soo gaaray war ku saabsan haweeneey uur leh oo maamuleheeda ka codsatay in loo baddelo qeybo kale oo ka tirsan shirkadda, balse loo diiday.

Afhayeen u hadlay Midawga GMB ayaa BBC-da u sheegay in ay rajeeynayaan in Amazon ay cashar ka barato warbixin ay horay u daabaceen 2014-kii.

Haweeneydan ayaa sheegtay in qeybta ay ka hawl galeeysay ay shaqadeeda aad u adkayd, sababtuna ay tahay in halkaas laga dabulo alaab aad u culus.

"Haweenka uurka leh ayaa noo sheegaya in lagu khasbo in ay taagnaadaan 10 saacadood. Marka shirkadaha sida Amazon oo kale ah waxaa looga baahan-yahay in si xushmad le hula dhaqmaan shaqaalohooda." ayay yirahdeen GMB.

Balse Amazon ayaa ka gaabsatay in ay jawaab ka bixiso dhacdadaasi, waxana ay sheegtay in aysan wax jawaab ah ah ka bixin karin kiisaska u baahan baarintaan dheeraad ka.