Feysal Cali Waraabe oo ka hadlay 5 arrimood oon aad loogu dhiiran

Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha xisbiga Ucid
Qoraalka sawirka, Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha xisbiga Ucid

Guddoomiyaha xisbiga UCID ee mucaaradka jamhuuriyadda iskeed madax banaanida ugu dhowaaqday ee Somaliland Feysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan Somaliland.

Feysal oo lagu yaqaano hadallada aan gabbashada lahayn ayaa markan u muuqda in uu baac kor usii dhaafay marxaladdii lagu yaqiinay, isaga oo shir jaraa'id kaga hadlay arrimo ku saabsan aabihiis iyo kuwa kale oo siyaasiyiinta kale afka kala baqaan.

Haddaba waxaan halkan kusoo koobaynaa shan qodob oo uu dhawaan ka shanqariyay, kuwaas oo dhaliyay hadal heyn.

1.Guurtida

Iyada oo Somaliland lagu ammaano dimoqoraadiyad iyo doorashooyin ka dhacay, ayuu Feysal Cali Waraabe tilmaamayaa in dimoqoraadiyaddaasi ay tahay mid aan dhamaystirnayn.

Waxa uu farta ku fiiqayaa golayaasha sharci dajinta oo uu sheegay in qaabka ay hadda ku jiraan aysan jirin meel adduunka ka mid ah oo ay ka dhacdo "Adduunka ma jirto aqal aan la dooran, oo haddane la yiraahdo waa kan ugu sareeya dalka" ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in labada aqalba uu waqtigoodii dhacay, dadka ku jirana ay yihiin kuwa aanan lasoo dooran "Dadka galaya ma ahan dadkii beelaha ka yimid, dhaxal buu noqday, inan yar oo koofiyad qaatay oo uu aabihiis ka dhintay , oo aan dowladnimo garanaynin ayaa la yiri guurti baa tahay , adaa kalmadda ugu dambeeya leh" ayuu sheegay Faysal oo sharaxayay qaabka ay xildhibaanno ku yihiin xubno ka mid ah Aqalka Guurtida oo ah kan ugu sarreeya sharci dajinta Somaliland.

Qoraalka Codka, Faysal C. Waraabe oo xaqiijiyey in wiilkiisa Suuriya lagu dilay

Baarlamaankuna ma ahan mid ka fiican Guurtida sida uu qabo Feysal, xitaa guddoonkiisa, wuxuuna leeyahay "Baarlamaankeena eega maanta, waxaa ugu sarreeya nin aan lasoo dooran oo lasoo xambaaray , inta kale ee ugu firfircoonna waa niman dhacay oo la yiri waad dhaxasheen , qodobada aan doonayno in aan badelno weeye, qofka haddii uu dhaco oo meesha ka baxo, waa in la sameeyaa doorasho kale oo kursigaas ah sida adduunka kale.".

"Hannaankii dowladnimo oo dhan baynu ku ciyaarnay , dadka ugu badan ee doonaya in aysan doorasho dhicinna waa kuwaas aan lasoo dooran" ayuu yiri Feysal oo ka mid ah dadka muddada dheer usoo ololeeynayay qaddiyadda Somaliland.

2.Nabadda Somaliland

Arrin kale oo si weyn Somaliland loogu ammaano ayaa ah xasiloonida iyo nabadda ka jirta, balse Feysal oo ka mid ah siyaasiyiinta jiheeya ra'yul caamka dadka Somaliland ayaa qaba in ay jiraan dad ay u cuntami la'dahay nabaddaas.

Isaga oo aanan bixin faahfaahinin cidda uu ula jeedo ayuu yiri "Dad baad moodaa in nabadii aan haysanay ay ku daaco qurmeen, balse waxaan idiin sheegayaa nabad iyo ammaan baa dal lagu dhisi karaa, reer reer iyo kala qeybsani laguma dhisi karo".

Wuxuu ka hadlayay xaalad degdeg ah oo lagu soo rogey degmooyin ka tirsan gobolka Sanaag, wuxuuna yiri "Sanaag saddexdii degmo ee maamulkeena ka shaqaynayay waxaaa la galiyay xaalad degdeg ah, micnaheedu waxaa weeye dalka intiisa badan nabad ma ahan ".

3.Feysal iyo Aabihiis

Wuxuu hoga tusaalaynayay siyaasiyiin ay kala aragti duwanyihiin, kuwaas oo qaarkood uu magacyadooda sheegay marar kala duwan intii uu shirka jaraa'id ka hadlayay, waxayna isugu jiraan mucaaradka iyo xukuumadda.

Balse tusaalaha waxa uu Faysal la galay aabihiis, wuxuuna yiri "Anaga haddii aan nahay UCID nooma sinna nin maamulka hagaaji aan leenahay oo wax haleeyay iyo mid doonaya in uu dumiyo. Aabbahay baan ka diiday markii ay isticmaalayeen ee ay lahaayeen waa odayga ugu weyn….. ".

4.Doorashada iyo Amisom

Isaga oo ka hadlayay ismari waaga u dhaxeeya xukuumadda iyo mucaaradka ee la xiriirta guddiga doorashooyinka iyo waliba qabsoomista doorashooyinka baarlamaanka ayuu sheegay in hawshaas u fadhiyeen muddo 114 bilood ah, islamarkaasna yeesheen 60 kulan si loo qanciyo xisbiga Waddani iyo kan Kulmiye ee talada haya.

Balse wuxuu tilmaamay in markii dambe ay ka gaartay xaaladda in ay ku hanjabaan in ay Somaliland geeynayaan ciidamo shisheeye.

"Muuse ayaa diiday in lagu daro labo xubnood oo guddiga doorashada, marki dambe waxaan abaabulnay ururada bulshada rayidka ah iyo madaxweynayaashii hore, wadahadaladii ayaa dib u billoowday, waxaan niri ka keena labadan xubnood, Cabdiraxmaan (Cirro) waakaase ha igu beeneeyo , waxaan iri haddii uu Arbacada Seylici (madaxweyne ku xigeenka Somaliland ) ka keeni waayo madaxweynaha labadaas xabadood, labadeena intaan tagno Nairobi aan AMISOM u yeerno, wuxuu yiri waa si fiican, Gacan Libaax (Deegaan Somaliland ka tirsan) baan kasoo dajinaynaa oo leh garoon , arbacadiibaa labadii xubnood naloo keeney, balse Cabdiraxmaan Cirro waa diiday, waa ninkii i direy een isku dilnay Muuse" ayuu sheegay Feysal oo malaha halkan ku qiraya falsafadda loo maro gorgortanka siyaasadeed.

Balse inta uusan afkiisa kasii dhamaanin hadalkaas hore, ayuu dhanka kale sheegay in gacmo shisheeye ay qasayaan arrimaha Somaliland "Taas sababteed ayaan u heshiin weynay 14 bilood".

5.Roobka

Warfidiyeennada ayaa wax ka weeydiiyay sicir bararka ka jira Somaliland, wuxuuna ganacsatada ugu baaqay in ay dadka u naxariistaan.

Intaas kuma uusan ekaan, wuxuuna yiri "Waad aragteen cirkeenii daruur waa laga waayay, waayo dad is xaasidaya oo hadalkooda uu mid xun yahay oo uusan wax wanaagsan kasoo baxaynin, alle wuu kala tagayaa raxmadda".

Si kastaba ha ahaatee, siyaasiyiinta kale waxa ay u badanyihiin kuwa ka af gobaadsada faahfaahinta waxyaabaha ka dhaca gogosha iyo miisaska wadahadalka, hase yeeshee Feysal waxaa lagu tiriyaa siyaasiyiinta yar ee af-ma gaaxshayaasha ah, kuwaas oo marka ay hadlaan ciwaano u sameeya warbaahinta, xiisana galiya bulshada u dhuun daloosha falanqeynta arrimaha siyaasadda.