Malaga yaabaa iney teknolojiyadda qayb ka qaadato isu keenidda Falastiin iyo Israa’iil?

Zada Haj

Xigashada Sawirka, Tech2Peace

Qoraalka sawirka, Zada Haji oo u dhalatay Falastiin oo sheegtay inuu barnaamijka Tech2Peace uu wax badan ka caawiyey

Dhalinyarada Falastiin iyo Israa'iil ayaa billaabay iney ku kulmaan isla-markaana ay ka wada hadlaan khilaafka u dhaxeeya sida loo xallin karo taasi oo ay gacan ka geysteen Teknooloojiyadaha cusub ee lagu xiriiro ee soo badanaya.

Teknooloojiyaddu isbeddel ma horseedi kartaa?

Israa'iil waxay ka mid tahay waddamada xagga isticmaalka teknooloojiyadaha casriga isticmaalkooda caalamka ugu horreeya.

Hase yeeshee, xiriirka u dhaxeeya Israa'iil iyo Falastiin ayaa aad u sii xumaaday wixi ka dambeeyey aasaaskii Israa'iil ee 1948-kii, taasoo horseedday iney Carab iyo Israa'iil colaad ilaa iyo haddaba taagan ay ka dhex dhacdo.

Haddaba, aasaasayaasha Tech2Peace ayaa dadaal ugu jira sidi uu u jabin lahaa darbiga ku xiran xiriirka labada bulsho ka dhaxeyn lahaa.

"Barnaamijka anigu waan ka qayb qaatay, waxaanna ku yeeshay saaxibba badan oo Falastiin iyo Israa'iil ka soo kala jeedo, oo aan xiriir wanaagsan haddaba la leeyahay." ayey tiri Zada Haj oo barnaamijkan lagu xiriiro ee Tech2Peace ka qayb qaadatay.

Calammada Falastiin iyo Israa'iil

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dhalinyara badan oo labada bulsho ka soo kala jeeda ayaan lahayn wax xiriir ah

Arday iyo dad tabarrucayaal ah oo barnaamijkan hoggaminayo ayaa waxay ka shaqeeyaan sidi ay dhalinyarada Falastiin iyo Kuwa Israa'iil ay meel isugu keeni lahaayeen kaddibna ay u wada baran lahaayeen teknooloojiyadaha casriga ah sida 3D, Graphics iwm.

Ms Haji waxay sheegtay "waxba aqoon uma lahayn" haddii ay ahaan lahayd animation ama 3D wixi hadda ka horreeyey waxba kama aqoon, balse tababarka marka uu ii dhammaaday iney yeelatay aqoon xirfadeed oo ku filan oo ay shaqo abuur ka sameysan karto."

Zada Haj

Xigashada Sawirka, Tech2Peace

Qoraalka sawirka, Zada Haj gabar u dhalatay Falastiin

Adnan Awni Jaber oo ah wiil Falastiini ah wuxuu sheegay Tech2Peace inuu u abuuray fursad uu kula saaxibo dhalinyaro Yuhuud ah oo Israa'iil ku sugan.

"Waxaan aaminsanahay teknooloojiyadda cusub iney jabineyso darbiga colaadeed oo labada bulsho u dhaxeeya ee ay colaaduhu sababeen maadaamaa ay teknooloojiyaddu wax xuduud ah lahayn" ayuuna sii raaciyey cadnaan mar uu BBC u warramayey.

Adnan Awni Jaber

Xigashada Sawirka, Adnan Awni Jaber

Qoraalka sawirka, Adnan Awni Jaber oo ku dhashay Quddus wuxuu sheegay teknooloojiyadda cusub iney jabineyso darbiga labada bulsho u dhaxeeya

Abdallah Sakran, oo isna ka mid ah dhalinyarada barnaamijkan ka qayb qaadatay wuxuu sheegay iney saaxibbada ay teknooloojiyadda cusub ku xiriiraan iney si qoto dheer kaga wada hadlaan siyaasadda iyo sida bulshooyinkan kala fogaaday la isugu keeni karo.

Tomer Cohen, oo ah ku xigeenka aasaasaha Tech2Peace wuxuu sheegay barnaamijkan uu sameeyey inuu gacan weyn ka geysanaya isku keenidda bulshada gaar ahaanna dhalinyarada si ay dhallinta ugu soo noqdaan noolal caadi ah oo ay colaadda uga gudbaan.

Tomer Cohen

Xigashada Sawirka, Tomer Cohen

Qoraalka sawirka, Tomer Cohen, aasaasaha Tech2Peace

Barnaamijka PIP ee ay tababarrada dhinaca shaqada ku qaataan shirkada Israa'iil laga leeyahay dhalinyarada Falastiin ee jaamacadaha ka soo qalinjabiya sanadka marka uu ahaa 2014-kii.

Sanadki 2018-kina wuxuu aasaasay shirkad lagu magacaabo Sadara Ventures, oo Falastiiniyiinta ka caawiso tababarrada dhinaca Teknooloojiyadda. Waxaana shirkadahaasi ay ku kacayaan miisaaniyad dhan $70 milyan oo doolar (£54 milyan oo gini).

Aqalka Koongreska Mareykankana wuxuu sheegay inuu ka fiirsanayo inuu barnaamijkan uu maalgelin ku sameeynao iyo inkale.

Qoraalka Muuqaalka, Qof Instagram isticmaalo oo muuqaal ka duubaya labada dhinac ee Qaza

Tusaale ahaan shirkadda Falastiin laga leeyahay ee sameyso barnaamijyada Koombiyuutarka, waxaa u shaqeysa 20 Injineer iyaga oo cawimaad ka hela kooxda 5G ee Nokia uu fadhigeedu yahay Israa'iil.

Deegaannada Israa'ill ee daanta galbeed

Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images

Qoraalka sawirka, Deegaannada Israa'ill ee daanta galbeed

Sida uu dhigayo heshiiska Paris ee dhex maray Falastiin iyo Israa'iil, Falastiiniyiintu wax alaab ah dibadda kalama soo degi karaan balse waddankooda gudahiisa waxay doonaan wey ku sameeysan karaan.

"Isbeddelka ugu horreeya ee xiriirka labada dhinac wanaajin karo waxaa ugu horreeya iney Israa'iil qaaddo xayiraadaha ganacsi ee ay ku hayso Falastiin si ay u yeeshaan xiriir ganacsi oo siman," ayuu yiri mr Shihade.

Balse Israa'iil dhankeeda waxay aaminsan tahay xayiraadaha noocaasi ah in la meel mariyo ay lagama maarmaan u tahay ammaanka gobol aan ammaankiisa la isku halleyn karin.