"Hal subax ayaan soo kacay wajigeyga oo isbaddelay"

Xigashada Sawirka, Judith Donald
Markii uu Judith Donald iyada oo 23 sano jir ah wajigeeda uu isbadelay waxay taasi saamaysay kalsoonideeda.
"Ilama aha inuu jira qof fahmi kara dhibaatada uu arrinkan leeyahay ilaa iyo sida ay maskaxdaada u saamaynayso," Ayey ku tiri Kaye Adams oo ah wariye ka tirsan Raadiyaha Scotland.
Judith waxa ay joojisay inay bannaanka u soo baxdo balse ma aysan rabin inay dadku arkaan oo wey isqarin jirtay.
Asxaabta ay isla shaqeeyaan ayaa waxa ay weydiiyeen inay qabto busbus maxaa yeelay finanka ayaa wajigeeda oo dhan ku fiday.
Dhibaatada ayaa ku sii weynaatay waxayna bilawday inay qaadato daawooyin, iyada oo la helay cudurro dhowr ah sida madax xanuunka, xanuunka dhimirka iyo niyad jabka.

Xigashada Sawirka, Judith Donald
Judith, oo hadda 25 sano jir ah waxay tiri " Waxaan soo kacay hal subax waxaanna arkay wajigeyga oo isbaddelay, kaddib waxaan isku dayay inaan waxyaabaha wajiga lagu qurxiyo ku qariyo caalamadahaan.
"Muddo kaddib waxay isku badeleen finan waaweyn oo aad u xanuun badan."
Markii ugu horreysay waxay u malaynaysay inay tahay xasaasiyad balse gadaal ayey ka ogaatay.

Xigashada Sawirka, Judith Donald
Wiilasha ila dhashay wey qabeen finan balse ma ahayn kuwayga oo kale." Ayey tiri.
Prof John Hawk, oo ah dhakhtar dhanka maqaarka ayaa BBC-da u sheegay in finanka ay badanaa saameeyaan dhalinyarada da'ada yar.

Xigashada Sawirka, Judith Donald
Judith dhibaatada ay wajahday ayaa laga yaaba inay ka timid dhanka qoyskeeda, waa dhibaato dhacda marar badan.
Judith ayaa sheegtay in dhakhtarkeeda uu u qoray daawo bishii July 2017-kii.
Waxay sugtay tan iyo Novembar si ay go'aan uga qaadato isticmaalka daawada.

Xigashada Sawirka, Judith Donald
"Markii aan go'aan ku gaaray inaan daawada qaato, madax xanuun ayaa i hayay muddo laba bilood ah."
Waxa ay sheegtay inay seexan jirtay muddo laba saacadood kaddib marka ay qaadato daawada sidii ay u saameyn jirtay nolosheeda.
Marka aan shaqada tagayo ama xaruumaha aan wax ka iibsanayo aad ayaan uga baqi jiray dadka oo i fiirinaya markaan arko.
Gabdho badan ayey kalsoonida ka dhuntaa kaddib marka ay ku dhacdo arrintan oo kale.
Finanka ayaa lala xirriira inay keenan sababa kala duwan balse gabdhaha da'ada yar marka ay wajahaan ayaa badanaa waxa ay saameysaa kalsoonidooda.
"Hadda kalsooni ayaan helay aniga oo aanan marsanin waxyaabaha wajiga lagu qurxiyo ayaan goobaha jimicsiga aada."
"Isbeddel aad u weyn ayaa noolasheyda ku timid, gabi ahaanba wey isbaddashay runtii."










