'Hoggaamiyaha' IS Al-Bagdadi oo kasoo muuqday shaashada shan sano kaddib

Nin la rumeysan yahay inuu yahay hoggaamiyaha kooxda Isugu yeerta Dowladda Islaamka ee IS ayaa si aan looga baran uga soo muuqday muuqaal lasoo duubay, isagoo ku dhaartay inay ka aargoosan doonaan kuwii kala wareegay dhulkii ay kooxdu ku xooganeyd.
Abu Bakar al-Baghdadi ayaanan la arkin muuqaaladiisa ilaa sanadkii 2014, xiligaasi oo muuqaal uu ka soo duubay magaalada Muusil uu ku shaagay inuu ka aasaasay "khilaafo" Islaami ah guud ahaan dalalka Suuriya iyo Ciraaq.
Balse muuqaalkaan cusub, ayuu ku qiranayaa in looga adkaaday kooxda magaalada Baghuz oo ah xaruntii ugu dambeysay oo kooxdu ay ku xooganeyd ee dalka Suuriya
Ma cadda xilliga la duubay muuqaalkan cusub, balse kooxda IS ayaa sheegtay in la duubay bishan Arpril.
Muuqaalka ayaa lagu baahiyay warbaahinta al-Furqaan ee kooxdu leedahay.
Muxuu sheegay Al-Baqdadi?
Sida ay qortay wakaalada wararka ee Reuters, Bagdadi ayaa sheegay in weeraradii ka dhacay dalka Sri Lanka maalintii Axada ee looga dabaal-degayay dalkaasi ciida Easter-ka ay kooxdu u fulisay aargoosi ahaan maadaama looga adkaaday magaalada Baghuz ee dalka Suuriya.
Al-Bagdadi ayaa sheegay sidoo kale inuu bayco la galay dagaalyahano ku sugan dalalka Burkina Faso iyo Mali, iyo kooxaha wadahadalada iyo dibadbaxyada ka wada dalalka Sudan iyo Aljeria, isagoo ugu baaqay in jihaadku yahay xalka keliya ee looga hortago daalimiinta.
Labadan waa Sudan iyo Aljeria ayaa bishaan iska tuuray madaxdii mudada dheer xukumayay dalalkaasi.
Haseyeeshee, muuqaalka Baghdadi ayaa sii lumiya gebagebada muuqaalka, iyadoo cod laga duubay isagoo ka hadlaya weerardii Sri Lanka uu daarmayo, taasi oo muujineyso in muuqaalkaan la duubay kaddib markii muuqaalka hore la qaaday.

Xigashada Sawirka, AFP
Al-Baghdadi -oo ah nin u dhashay dalka Ciraaqi magaciisa dhabta ahna uu yahay Ibrahim Awwad Al-Badri ayaa la maqlay codkiisa oo maqal ah markii ugu dambeysay bishii Augost ee lasoo dhaafay.
Sida uu sheegayo wakil wareedka BBC ee Bariga Dhexe, Xiligaasi, Martin Patience xiligaasi wuxuu u muuqday inuu iska dhego-tirayo guuldarooyinkii soo wajahayay kooxdiisa.
Balse muuqaalkaan dambe ee 18-ka daqiiqo ah ayuu al-Bagdadi uga hadlayaa guuldarooyinka haatan horyaalo.
"Dagaalka Baghuz waa uu dhammaaday, ayuu yiri, inta uusan kusii darin: "Waxaa dhici doono dagaalo badan kaddib dagaalkaan."
Maxaa ku dhacay 'khilaafadi'?
Bilowgii horeba, IS waxay xukumeysa in ka badan dhul gaaraya 88,000 oo kiilo mitir oo wareeg ah oo fidsan guud ahaan xuduuda dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Balse sanakdii 2016 waxay ahayd koox dib u guraneysa. Sanadkii xigay, waxaa gacantooda ka baxday magaalada Musil ee waddanka Ciraaq, halkaasi oo Bagdadi iyo kooxdiisa ay ku waayeen magaaladii ay uga dhawaaqeen aasaaska khilaafada.
Bishii Octobar, waxaa laga saaray magaalada Raqqa ee dalka Suuriya. Illaa 2018 sidaasi ayay u luminayay dhul badan, taasi oo kusoo biyo shubatay in kooxdu ay isugu tagto magaalada Baghuz.
Waa kuma Abuu Bakar al-Baghdadi?
Abuu Bakar al-Baghdadi wuxuu ku dhashay sanadkii 1971 magaalada Samarra ee dalka Ciraaq.
Makrii uu yaraa ayaa la sheegayaa inuu aad u jeclaa aqrinta Quraanka kariimka iyo culuumta islaamka, isagoo ku ciqaabi jiray xubnaha qoyskiisa inay ka gaabiyaan waxyaabaha diintu fareyso.
Balse markii uu ka qalin-jabiyay iskuulka, oo uu ka qaatay barashada Culuumka Quraanka shahaadooyinka Masterka iyo PhD-ga Jaamacadda Saddam ee dalka Ciraaq, ayay ahayd xilligii uu ku biiray kooxaha xagjirka islaamiyiinta ah.
Dhamaadkii sanadkii 2000, wuxuu qeyb ka noqday kooxda Salaf Jihadi, wuxuuna ku biiray Ururka Al-Qacida faraciisa dalka Ciraaq, halkaasi oo Kooxda Isugu yeerta Dowladda Islaamka ee IS ay ka abuurantay.
Tan iyo 2014 oo si guud uu usoo muuqday ayaa Al-Bagdadi wuxuu ahaa mid aamusnaa muddo dheer, iyadoo la sheegayay keliya warar aanan la xiiqijin oo ku saabsan geeridiisa iyo codad aan la hubin oo laga soo duubay.











