Sacuudiga 'ma dal arxan daran baa'?

CID-da mareykanka ayaa Maxamed Bin Salmaan ku eedeeyay dilkii Jamaal Khaashuqji
Qoraalka sawirka, CID-da mareykanka ayaa Maxamed Bin Salmaan ku eedeeyay dilkii Jamaal Khaashuqji

Kadib dilkii weriye Jamaal Khaashuqji, waxaa jiray eedeymo xooggan oo loo jeediyay mas'uuliyiinta Sacuudiga, hase ahaatee, hadda waxaa dhacdadaas kasoo wareegtay muddo ka badan 6 bilood.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay inuu aaminsanyahay in dilkii Jamaal Khaashuqji loogu geystay qunsuliyada Sacuudiga uu ahaa mid si arxan darro ah loo fuliyay.

Balse dilkii Khaashuqji, wuxuu qeyb ka yahay uun eedeymaha boqortooyada Sacuudiga loo jeediyo ee ku aaddan inay xadgudubyo bani'aadannimo ka geysato dalkaas.

War bixin ay horay u shaacisay hay'adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa lagu sheegay dhowr qodob oo saldhig u ah xadgudubyada ay geysato dowladda Sacuudiga.

1- Dilkii Jamaal Khaashuqji.

Ka dib dilkii caalamka ka careysiiyay ee loo geeystay Jamaal Khaashuqji, hay'adda xaquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa xog-hayaha qaramada midoobay António Guterres ka dalbatay in la sameeyo gudi qaramada midoobay ah oo madax banaan oo baaritaan ku sameeya arrimaha ku gaadaaman dilkii Khashooqji.

2 - Dagaalka Yemen.

Xulufada uu hogaaminayo Sacuudiga ayaa qeyb weyn ka qaatay dagaalka burburiyay Yemen ee socda in ka badan 4 sano, ayna ku dhinteen kumanaan rayid ah oo ay ka mid yihin caruur lagu laayay duqeymo lagu qaaday xarumo caafimaad, guryo dad rayid ah ay deganyihin iyo goobo waxbarasho.

Hay'adda Amnesty International ayaa sheegtay inaay diiwaan gelisay xadgudubyadaasi ka dhanka ah sharciga caalamiga ee xuquuqda aadnaha ayna la mid yihin dambiyo dagaal.

Iyadoo taasi ay jirtana, dalal ay ka mid yihiin Mareykanka, Ingiriiska iyo Fransiiska ayaa wali sii wada inay heshisyo ay Sacuudiga uga iibinayaan hub.

3-Caburinta dadka u dhaqdhaqaaqa arimaha bulshada iyo weriyayaasha.

Tan iyo markii dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamad bin Salmaan uu awoodda dalkaasi si dadban ula wareegay, dad badan oo arrimaha bulshada u dhaqdhaqaaqi jiray ayaa la xiray qaarkoodna waxaa lagu xukumay sannado badan oo xabsi ah.

Dadkaas waxaa lagu eedeyay oo kali ah inay si nabad ah uga hadleen xaqa ay u leeyihin inay dareenkooda cabiraan, inay urur yeelan karaan iyo in ay shirar qabsan karaan.

Saraakiisha dowladda ayaa bartilmaameedsada dad yar balse ku howlan inay cod u noqdaan bulshada, oo waliba difaacaan xuquuqda bini'aadamka, iyagoo u isticmaalaya sharciyada ka dhanka ah argagixisada iyo dambiyada internet-ka si ay u joojiyaan howsha ay wadaan.

4 - Xarig loo geysto dadka difaaca xaquuqda dumarka.

Bishii May ee sannadkii 2018-kii, waxaa Sacuudiga lagu xiray tiro ka mid difaacayaasha xaquuqda dumarka ee ugu caansanaa dalkaas.

Loujain al-Hathloul ayaa ka mid ah dadka xiran ee wali maxkamad aan la soo taagin.

Xiritaanka dadkaasi waxaa xigay in dowladda ay ku dhawaaqdo ol'ole cabsi badan abuuray oo dadkaasi ku tilmaamaya kuwa wadankoodi 'khiyaanay'.

Waxay wali wajahayaan maxkamadeyn, waxayna halis ugu jiraan inay muteystaan sannado badan oo xabsi ah.

5 - Ciqaab naxariis darro ah.

Maxkamadaha Sacuudi Carabia ayaa wali dad dambiyo kala duwan geysta ku xukuma ciqaab ay ka mid tahay garaacista.

Raif Badawi waxaa lagu xukumay kun jeedal iyo 10 sano oo xarig ah, waxaana loo haystay oo kali ah inuu bogag internet ah wax ku qoray.

Sidoo kale, dad dambiyo kala duwan geystay ayaa ciqaab ahaan loogu xukumaa goynta gacan iyo lug isdhaaf ah, taas oo gabi ahaanba noqonaysa xadgudub.

6 - Jirdil joogto ah oo loo geysto dadka xabsiyada ku jira

Dad horay loo soo daayay iyo dad kale ayaa hay'adda xaquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty international u sheegay in ciidamada amaanka ay jirdil u geysteen isla markaana si xun ula dhaqmi jireen intii ay xabsiga ku jireen.

Waxay sheegeen in kuwa falkaasi geytana aan waligood cadaaladda la marsiinin.