Dad badan oo ku dhintay musiibo ka dhacday Ciraaq

Xigashada Sawirka, Reuters
In ka badan 70 ruux ayaa lagu soo warramay inay ku dhinteen doon maanta ku rogmatay wabiga Tigris ee mara magaalada Muusil ee dalka Ciraaq.
100 qof oo la socday doonta dadka looga gudbiyo wabiga ayaa ahaa dad aan dabaal aqoonin, sida uu sheegay madaxa waaxda difaaca dadweynaha ee magaalada Muusil.
Doonta ayaa lagu soo warramay iney ku wajahneyd jasiirad loo dalxiis tago, iyadoo lagu guda jiro dabaal dagga sannadka cusub ee Kurdiyiinta.
Kooxaha gurmadka deg degga ah ayaa wali raadinaya dadka laga yaabo inay wali nool yihiin.

Xigashada Sawirka, Reuters
Ra'iisul wasaaraha dalka Ciraaq Caadil Cabdul Mahdi ayaa amar ku bixiyay in la sameeyo baaritaan lagu ogaanayo cidda mas'uulka ka ah sababta keentay musiibadan.
Qiyaastii 12 ruux ayaa la badbaadiyay ilaa hadda, sida ay mas'uuliyiinta sheegeen.
Sawirro lagu shaaciyay baraha bulshada ayaa muujinayay doonta rogmatay iyo dad dul heehaabayay biyaha korkooda.
Gawaarida gurmadka deg degga iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa gaaray goobta, si ay dadka u badbaadiyaan.

Xigashada Sawirka, Reuters
Dowladda ayaa dadka gaadiidleyda ah ka codsatay inay baabuurtooda istaajiyaan, si ay waddooyinka fursad ugu siiyaan gawaarida gurmadka ee ambalaasta.
Maamulka ayaa maalmihii lasoo dhaafay dadka uga digayay heerarka sare ee biyaha wabiga, iyadoo ay soo fataheen biyo xireenno ku yaalla magaalada Muusil.
Muusil oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ciraaq ayaa sannadkii 2014-kii waxaa la wareegay dagaallameyaasha kooxda isku magacowday dowladda Islaamka ee Daacish.
Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Mareykanka ayaa dib uga qabsaday bishii Luulyo ee sannadkii 2017-kii, ka dib markii uu socday dagaal qaatay 9 bilood oo magaaladaas lagula wareegayay.










