Nin Soomaalida Sweden ‘muhiim’ u ah oo lagu xukumay xarig

Bashiir Ammaan asaasaha iskuulaadka Al Azhar ee Sweden

Xigashada Sawirka, Ibraahim Jaamac

Qoraalka sawirka, Bashiir Ammaan asaasaha iskuulaadka Al Azhar ee Sweden

Caasimada Sweden waxa lagu soo gabagabeeyey maxkamad muddo gaaraysa siddeed bilood u socotay Aasaasihii iskuullada Al- Azhar lagu xukumay mudo xabsiyeed gaaraya 4 sanno iyo 6 bilood.

''Maxkamadu mudo dheer ayay socotay,sided bilood ayu Sheekhu xirnaa,waxa manta ayaa la xukumay,sid ay sheegeen waxa lagu haystaa lacag maalgalin ah oo loo ogolaa markii hore,saddex xubnood oo muhiim u ah Soomaalida ayaa xukunkan ku dhacay saamayn wayn ayay ku yeelanaysaa bulshada'' sidaas waxa BBC-da u sheegay Cabdikadir Kaynaan Cili oo si dhow ula socday kiiska Bashiir Amaan.

Dacwad oogaha kiiskan ayaa sheegay in ay jiraan lacag 11 malyan in ay kala baxeen qasnada ururka, halka ay jiraan in loo haysto kiis la xariira Bangi Islaami ah oo uu Bashiir Amaan ka samaynayay Sweden si lacaga laga keeno Bariga dhexe loo soo galiyo Sweden.

Dadweynahan ayaa muddo codsanayay in xoriyadiisii dib loo siiyo Bashiir ama maxkamadda la horgeeyo si loo dhageysto eedaymaha loo haysto.

Waa kuma Bashiir Amaan

''Bashiir wuxuu dhashay 1967,mudo 30 sanno gaaraysa ayuu daganaa Sweden,waa aabaha 11 ciyaal ah,Bashiir waa aasaasihii u horeeyey ee hirgaliyay iskuulada gaarka loo leeyehay ee Al-Azhar iskuuladan waxaa ku tiirsan kumaan carruur Soomaali ah oo dhigata ,mudooyinkii dane wuxuu ku dhex jiray dhismaha Bangi uu masuul ka ahaa'' sidaas waxaa BBC-da u sheegay Cabdiqaadir Keynaan.

Waxaa jiray Kullamo ay isugu yimaadeen qaar ka tirsan jaaliyada Stokholm.

Keynaan isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay ''waxaan sameynay guddi dhowr qof ka koobaan oo aan ugu talagalnay in ay si dhow ula socdaan arinka Bashiir si aan ula wadaagno bulshada inteeda kale xaalada Bashiir''

Talaabaadan ayaa ah tii u horeysay ee noocan oo kale ah oo xadhig loo geysto masuul Soomaali ah dalka Sweden, dalkan wuxuu ku jiraa dalalka marti galiyay qoxoontiga ugu faraha badan Soomaalida dalalka Yurub.