Duulimaadyada qarsoodida ah ee laga been sheego?

Jeziel Barbosa duuliye iyo dadkii uu waday la la'yahay

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Jeziel Barbosa duuliye iyo dadkii uu waday la la'yahay

Saddex bilood ka hor waxaa la waayay 8 qof oo la socday diyaarad yar oo u jiheysatay dhanka kaymaha Amazon ee dlka Brazil, halkaas oo sifada kaliya ee lagu gaari karo ay tahay diyaarad, balse maadaamaa garoomada lagu dego aysan ahayn kuwa dowladda u diiwaangashan, duuliyeyaasha waxa ay ku qasbanyahay in ay ka been sheegaan halka ay u socdaan.

Tani waxa ay micnaheedu tahay in marka sidan oo kale dadka loo waayo, in aysan jirin meel laga baadi goobi karo.

Duuliyeyaashan waxaa ka mid ah Jeziel Barbosa oo ay hawada ku qabsatay nasiib darro, garoonkii uu ku dagi lahaane uu noqday aanba la isticmaalin muddo 15 sanno ah.

Waxaa uga sii darnaa in markii uu lasoo hadlay raadaarka dowladda, in qadkiiba uu hawada ka baxay maadaamaa kaymaha Amazon aysan lahayn adeeg isgaarsiineed oo wanaagsan.

Markii ayaa dad ugu war dambeysay diyaaradii Jeziel, balse labo maalmood kadib ciidamada cirka ee Brazil ayaa galay gurmad ay ku raadiyaan diyaaradda oo ay saarnaayeen dad koox ah.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa ka qeybgalay baaritaanka, balse 2 todobaad markii baadigoobka la waday, waxna la waayay ayaa la joojiyay hawlgalka.

Qoowmiyadda Hindiga ee asal ahaan loogu tagay dhulkan kaymaha Brazil ayaa dowladda marar badan ka codsaday in ay u samayso hab gaadiid oo lagu gaaro dhulkan, iyo sidoo kale in marka ay dhacaan shilalka diyaaradeed ay gurmadka qeyb ka qaataan. Balse waxa ay sheegeen in aysan wax jawaab ah ka helin dhanka dowladda.

Sawirkan waxa uu muujinayaa xaaladda garoomada ay tahay in ay diyaaradaha ku degaan

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Sawirkan waxa uu muujinayaa xaaladda garoomada ay tahay in ay diyaaradaha ku degaan

Andrian Young oo kasoo jeeda dalka Netherland ayaa dowladaha adduunka kala taliyaha arrimaha socdaalka cirka, waxa uu sheegay in ay fadeexad tahay in duuliyaha uu ka been sheego macluumaadka asaasiga ah, sida meesha uu u socdo oo kale, balse waxa uu dhanka kale qirey in aysan caddaalad ahayn in dadka deegaankaas ku nool loo diido xuquuqdooda socdaalka.

Duuliyeyaasha badankood ayaa ka cabsada in ay ka hadlaan duulimaadyada qarsoodida ah ee ay ku tagaan deegaanka Amazon, iyaga oo ka baqdin qaba in laga ceshado shatiga duulimaadka haddii la ogaado in ay been u sheegeen shaqaalaha duulista hawada sare.

Hase yeeshee duuliye Paulo Nortes ayaa sheegay in marka uu duulimaadyadan samaynayo uu damiyo qalabka raadaarada ay ka helaan xogta duulimaadka hawada ku jira, sidaasna ay ku tagaaan halka ay rabaan.

Waxa uu qirsanyahay in duulimaadyada Amazon ay yihiin kuwa aad halistooda u badantahay, gaar ahaan cimilada oo aad isu badesha, ahayna mid ku habboon duulimaadyada fudud.

Celilia Apalai oo u ololaysa dadka Asal-Dhaladka ah ee Amazon ayaa muddo u halgamaysay in ay dowladda garoomo diyaaradeed ka dhisto deegaankeeda.

Waxa ay sheegtay in dhibaatada ka jirta la'aanta kaabayaasha dhaqaalaha ay xitaa hagardaaminayso shaqaalaha dowladda ee adeegyada asaasiga ah sida caafimaadka gaarsiiya goobaha ay shacabka degenyihiin.

Lix sanno ka hor waxaa jiray xukun maxkamadda sare oo amartay in hay'adda duulista hawada sare ay garoomo diyaaradeed ka samayso gudaha kaymaha Amazon. Sidaas oo ay tahay ma jiraan wax laga hirgaliyay illaa iyo hadda.

Waxaa jira 249 garoomo diyaaradeed oo ku yaala dhulkan, balse dhammaantood waxa ay ku suganyihiin xaalad aanan la isticmaali karin.

Waxa xaalada uga sii daraya ayaa ah la'aanta waddooyin iyo gaadiidka wabiyada oo ah isaguna mid aan la'isku halayn karin.

Weli wax war iyo wacaal ah lagama hayo dadka maqan iyo diyaaraddii ay la socdeen, iyada oo dadkii raadinayay ee iskood isu xilsaaray ay quus gaareen. Wasaaradda difaaca ayaa sheegeysa in baadigoobka dadka maqan dib loo bilaabi karo haddii la helo xog cusub.