Daadadka ku dhuftay Indonesia waxay saameeyeen gobolka Papua

Xigashada Sawirka, EPA
Ugu yaraan 58 qof ayaa ku dhimatay daadad ku dhuftay gobolka Papua oo ku yaalla galbeedka dalka Indonesia. Shaqaalaha gurmadkana waxay dadaal adag ugu jiraan sidii ay u gaari lahaayeen deegaannada fogfog ee gobolka iyada oo laga cabsi qabo iney tirada dhimashada sii korodho.
Daadadkuna waxay gooyeen jidadka iyada buuro iyo geeda soo dumay ay isku xireen waddooyinka looga gurman lahaa deegaannada ay waxyeellada soo gaartay.
Dad ka badan 4,000 oo qof ayaa guriyahooda laga saaray iyaga oo si ku meel gaar ah loo dajiyey guriyo ay dowladdu leedahay.
Dadka deegaanka ayaa BBC u sheegay iney deegaannada ay daadadka ku dhufteen laga billaabo Sabtidi ay ka da'ayeen roobab ma hiigaan ah oo habeen iyo maalinba da'ayey halkaasina ay ka dhashaan dadaad waxyeella geystay.

Xigashada Sawirka, AFP
"Gurigi aan dagganeyn waxaa qariyey daadad dhiiqo wata... waxaanna guriga kala baxnay wixi waxtar lahaa ee aan ka gaari karnay" ayey tiri hooyada ilmahaasi dhashay.
"Wey adag tahay inaan deegaankan ka baxno maxaa yeelay waddooyinka oo dhan waa ay burburreen marka meel la maro ma laha ... cabsi iyo welwel badan ayaa na haya" ayey tiri.

Xigashada Sawirka, EPA
Afhayeenka wakaaladda gurmadka degdegga ah ee heer qaran Sutopo Purwo Nugroho wuxuu sheegay "iney masiibada ay ku dhinteen 51 qof magaalooyinka deegaannada kalana 7 qof guud ahaan 58 qof ay dhinteen".
Daadadka oo si joogta ah ugu dhufta dalka Indonesiya waxay dhibaatooyinka noocan ah badanaa ka dhacaan October ilaa iyo April.
Daadad noocani ah oo bishi January ku dhufatay jasiiradda Sulawesi iyo Galbeedka Java waxay ku dileen 70 qof iyada oo boqollaal qofna ay ku barakaceen.











