Abdelaziz Bouteflika oo dalka Algeria dib ugu soo laabtay

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Algeria Abdelaziz Bouteflika ayaa dalkiisa dib ugu soo laabtay isgoo dawyen ugu maqnaa dalka Swisserland.
Imaanshiyihiisa ayaa ku soo beegmeeysa iyadoo dalka ay ka socdaan dibabaxyo looga soo horjeedo xukuumaddiisa.
Madaxweynaha ayaa xanuunka faaligga la il-darnaa tan iyo sannadkii 2013-kii, wixii markaa ka dambeeyna waxaa aad u yaraa in lagu arko fagaarayaasha.
Madaxweyne Bouteflika ayaa dib ugu soo laabaty dalkisa iyadoo ay ka jirto dhibaato weyn. Waxa uuna haatan wajahayaa caqabaddii ugu weyneyd tan iyo intii loo doortay maadxweynaha dalakaasi 20 sano ka hor.
Qorshihiisa uu ku doonayo in uu markii shanaad ugu tartamo madaxweynaha dalkaasi ayaa waxaa ka dhashay xasilooni darro baahsan.
Dibadbaxyo ka dhan ah go'aanka madaxweynaha ayaa ku baahay waddoyinka waaweyn ee magaalada Algiers, kuwaasi oo curyaamiyay magaalada.
Dibadbaxayaasha ma doonayaan oo kaliya in ay meesha ka saaraan Mr Bouteflika, ee waxa ay sidoo kale doonayaan in ay qadka ka saaran dadka isaga ka ag-dhaw.
Qaar kamid ah dibadbaxayaasha ayaa dhagxaan ku tuurayey meel u dhow aqalka madaxtooyada waxaana gadaal u celiyey booliiska oo ku furay sunta dadka ka ilmaysiisa. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in labadaba dhinacba ay dhaawacyo jireen.
Dibadbaxyo kale ayaa sidoo kale salaaddii jimcada kadib ka dhacay magaalooyin dhowr ah oo kuyaal Algeria.
Mr Bouteflika ayaa xukunka dalkaas qabsaday sanadkii 1999-kii wuxuuna sumcad ka helay in uu soo afjaray dagaal sokeeye oo galaaftay in kabadan 100,000 oo qof.
Dibadbaxyo looga soo horjeedo qiimaha maciishadda iyo shaqo la'aanta ayaa qarxay sanadkii 2011 intii uu socday gu'gii Carabta hase ahaatee wuxuu kaga jawaabay in uu qaado xaaladdii dagdagga ahayd ee dalkaas saarnayd kudhawaad 20-ka sano, arrintaas oo ahayd dalabka koowaad ee dibadbaxayaasha.
Kadib markii uu ku dhacay xanuunka stroke-ga loo yaqaan waxa uu ku guulaystay in markale dib loo doorto, mucaaradka ayaana doorashadaas qaaddacay waxa uuna kala diray hay'addii sirdoonka dalkaas, asagoo ku baddalay hay'ad asaga daacad u ah.
Dadka dhaliila ayaa sheegaya in caafimaad darradiisu ay ka dhigan tahay in aanu gudan Karin waajibaadkiisa madaxweynenimo.
Marka laga yimaado walaaca mucaaradka, Mr Bouteflika ayay u badan tahay in uu si ballaaran ugu guulaysto doorashada April.










