Dal ay naftaada halis galayso haddii aad kulansato Muslinimo iyo lahaanshiyaha lo'da

Xigashada Sawirka, Getty Images (Allison Joyce)
Nin muslim ah oo lo'leey ahaa ayaa bishii July la istaajiyay xilli seq-dhexe ah isagoo wato laba neef oo lo'ah, saacad kadibna meyd ayuu ahaa, balse su'aasha is weeydiiinta mudan ayaa ah yaa dilay ninka? Ma booliska mise burcadda lo'da ilaaliso ee uu weriyaha BBC-da James Clayton kula kulmay waddada?
Waxa ay ahayd xilli ay ku beegnayd 4-tii aroornimo, dhaqtarkii habeenkaas shaqada ku jiray ayaa dareemay in ay jirto arrin aan caadi ahayn oo booliska ayaa keenay nin meyd ah oo ay sheegeen in aysan heeybtiisa garanayn.
Weriyaha ayaa dhaqtarka weeydiiyay sidee ayuu ahaa qaab muuqaalka booliska markii ay isbitaalka keenayeen meeydka.
"Niyad ahaan uma aysan daggneyn."ayuu yiri dhaqtarka.
Meydka ninka la dilay oo lagu magacaabo Rakbar Khan, ayaa waxaa aqoonsaday aabihii.
Qalalaasaha la xiriira lo'da - 2012-2019

Xigashada Sawirka, IndiaSpend
Rakbar Khaan waxa uu ahaa nin muslim ah oo dhalay 7 caruur ah.
Waxa uu dhaqanayey lo' muslimna wuu ahaa, marka adoo Hindiya jooga hadii ay labadaasi kuu kulmaan, naftaada khatar ayey ku jirtaa.
"Inaga lo'da baanu dhaqannaa, caanaheeda ayeyna nolosheena ku tiirsantahay," ayuu yiri Suleiman oo ah aabbaha dhalay ninka la dilay.
"Waagii hore cidna hadal kama aysan keeni jirin lo'da balse haatan wax badan baa isbeddelay."ayuu intaasi ku daray Suleiman.
Rag badan ayaa sanadihi dambe lagu dilay deegaanka Mewat oo ay muslimiinta u badan yihiin.
Weriyaha ayaa sheegay in qofkasta oo ku nool tuuladii uu ku noolaa Khans uu cabsi ku nool-yahay sabatoo ah waxa ay ka baqanayaan gau rakshaks oo ah kooxda burcadda ee ilaalada lo'da.

Xigashada Sawirka, Getty Images (Allison Joyce)
Burcadda ayaa u badan dhalinyaro ka soo jeeda qowmiyadda Hinduuga, kwaasi oo aaminsan in difaaca lo'da ay ka helayaan barako.
Waxa ay aaminsanyihiin in sharciga lo'da ka difaacaya in la qalo oo hilibkeeda la cuno uusan si fiican u dhaqan galin, waxaa ayna ugaarsadaan ragga lo'leyda ah.
Raggaan oo inta badan hubeysan ayaa fuliyay weerarro lagu dilay dad badan oo lo'ley ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images (Enrico Fabian)
kiisaska qaar booliska ayaa ka caga jiida in ay xiraan eedeeysaneyaasha dhibaatada u geeysata lo'leeyda marka loo barbar-dhigo kuwa lagu soo eedeeyo in ay ka ganacsanyeen hilibka.
Ururrada xuququl insaanka ayaa diiwaan geliyay 12-kiis oo ay booliska ku lug-lahaayeen, kuwaasi oo lagu dilay dadka lo'da ka ganacsado.

Gyandev Ahuja oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga BJP ayaa warbixin uu soo saaray ku taageeray ragga lagu soo eedeyey iney dileen Rakbar Khan.
Dhanka kale wasiir ka tirsan xukuumadda Narendra Modi ayaa sawir iska qaaday isagoo qoorta wax u galinaayo ragga lagu soo eedeeyay dilka Khaan inkastoo uu markii dambe raali gelin ka bixiyay.
Meenakshi Ganguly oo ka tirsan hay'adda Human Rights Watch ayaa sheegay in ay tahay wax laga naxo in mudane la doortay uu difaaco dambiilayaal weliba dil geeystay.

Xigashada Sawirka, Getty Images (Enrico Fabian)
Ururka xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch ayaa sheegay in sannadkii hore oo kaliya la dilay ugu yaraan dad gaaraya 38 qof halka 10-kalana ay dhaawacyo soo gaareen.










