Qaabkee ayay u shaqeeysaa haweeneeyda kaliya ee ka midka ah baarlamaanka Puntland?

Xigashada Sawirka, Lahaanshaha sawirkaNIMCO CABDI/FACEBOOK
Nimco Cabdi Caarshe, waa gabadha keliya oo 66-da xildhibaan ee uu baarlamanka Puntland ka kooban yahay ku jirta, waxa ay ku howlan tahay shaqo in ay ka qabato xafiiska ay ku dhex leedahay baarlamanka dhexdiisa, maadaama dhawaan ay ka mid noqotay guddiga joogtada ah ee baarlamanka Puntland.
Waxa ay ii sheegtay in inta badan ay u qareemid sameyso gabdhaha daneynaya in ay siyaasadda soo galaan, balse waxa ay sheegtay in caqabado ay qabsadaan, taasoo ku adkeysa in dumarku galaangal u yeeshaan siyaasadda Puntland, iyadoona ay xusid mudan tahay in golaha wasiirada Puntland oo 50- ku dhow ay afar gabdhood oo kaliya ku jiraan.
Nimca Cabdi Caarshe oo BBC-da u warameysay, ayaa sheegtay in ay u yimaadaan gabdho badan oo raba in xaqooda ay la raadiso, balse nasiib darrada jirtaa ay tahay, in ay keli ku tahay baarlamaanka, sidaas darteedna ay weyday gabdho kale oo ka garab dagaalama.
Waxay kaloo sheegtay, in ay arintan kala hadashay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, balse culeyska jiraa uu yahay, siyaasiyiinta oo aad uga soo horjeeda in dumarka ay siyaasadda ka soo dhex muuqdaan.
Mar la weydiiyay, caqabadaha ay la kulantay markii ay raadineysay xilkan ayay ku jawaabtay.
''Wey jiraan caqabado waayo sagaal nin ayaa ila so tartantay aniga, laakiin caqabadaha waxay ka yimaaddaan madax dhaqameed, cuqaal iyo Isimo ayaa soo xuleysay kuraasta baarlamaanka, anigase waxaan ku sahlanaa cuqaasheydii iyo dadkeygii ayaa i rabay, oo deegaanka aan ka soo jeedo caqabado badan kalama kulmin, balse gabdhaha cabadaha hor yaalla aad ayay u badan yihiin oo aniga lafteyda kuwa badan waan soo arkay waana ka soo gudbay''.
Xildhibaanad Nimca, ayaa sheegtay in howsha guriga iyo tan shaqada labaduba ay isku heyso, la iskuna wadi karo.
Waxay tiri, ''Hooyo ayaan ahay, carruur baa ii joogta, wax bay bartaan, inaan iyaga noloshooda iyo waxbarashadoodana ilaaliyo, shaqadeydana ilaaliyo diyaar baan u ahay, waan ka bixi karaa waanna sameeyaa, weliba aroortii baan imaaddaa, subax walba''.
Inta badan dumarku kama dhex muuqdaan siyaasadda Puntland, waxaase jira in galaan galkoodu yar yahay xilliyada laga yaabo in rag badan tartan ku jiraan.
Nasro Cabdirisaaq, waxa ay ka mid tahay dadka u ololeeya xuquuqda dumarka, waxa ay sheegtay in hablaha la arko ololahooda xiliyada doorashooyinku ay wakhti kooban ka harsan yihiin, balse waqtiyada ka horreeya aan la arag.
Nara, ayaa gandhaha ku baraarujineysa in ay xili hore bilaabaan dhaqdhaqaaqyada, oo ay la kulmaan odayaasha dhaqanka, beesheeduna ay wax ka sii dhameystaan, si ay qeyb uga noqdaan doorashada soo socota.
Arinta la tilmaamo in dumarka Puntland ay siyaasadda ka hor taagan tahay, waxaa la sheegaa in ay yihiin, odayaasha dhaqanka oo aan aaminsaneyn in gabar xagga siyaasadda ay ku matali karin, sida uu sheegay Ahmad Shiikh Xasan Aw Muuse, oo ka mid ah waxgaradka Puntland.
''Gabdhaha iyo ragga dhaqankooda iyo shaqooyinkooda waa kuwa Rabbi u kala diray, kuwa hadda cusub maaha, waxaa jirta maamul dumarka uu sharciga u oggol yahay oo aan hadda la tirin karin oo awooddoodu leeyihiin dumarka''.
Wuxuu intaas ku daray, in baarlamaanka Puntland ay hal gabar oo keliya ku jirto aysan arin fiican ula muuqan, sababtana uu ku sheegay in beelaha qaarkood aysan oggoleyn in ay gabar matasho.
Guud ahaan soomaaliya, marka aad eegto Puntland, waxa ay safka hore kaga jirtaa meelaha ay haweenku ka dhex muuqan siyaasadda.










