Saraakiishii hore: Darbiga Trump 'Looma hayo xaqiiq dhab ah'

Kooxaha dhismaha ka shaqeeya ayaa waxa ay darbi labaad ka dhisayaan xadka Otay Mesa, California

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kooxaha dhismaha ka shaqeeya ayaa waxa ay darbi labaad ka dhisayaan xadka Otay Mesa, California

Afartan iyo sideed sarkaal oo hore uga tirsanaan jiray ammaanka qaranka waddanka Mareykanka ayaa waxa ay gaashaanka u daruureen xaaladda qaran ee degdega ah ee uu Madaxweyne Donald Trump ku dhawaaqay si uu gidaar u dhiso.

Bayaanka ay wadajirka u soo saareen saraakiishaasi ayaa lagu sheegay "looma hayo xaqiiq dhab ah" xaaladda degdega ah ee xadka Mareykanka iyo Mexico.

Sarakiishan hore oo ka soo kala jeeda labada xisbi ee ugu weyn dalkaasi ayaa waxa ay saxiixeen warqadda, kuwaas oo ay ka mid yihiin Safiirkii hore ee Mareykanka u qaabilsanaa Qaramada Midoobay Thomas Pickering iyo Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Madeleine Albright.

Mr Trump ayaa waxa uu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah kaddib markii uu Kongareesku diiday inuu bixiyo kharashka ku bixi lahaa dhismaha gidaarka.

"Lama hayo qiimeyn loo qaateen ah oo cad oo maanta qeexaysa inay jirto xaalad degdeg ah oo qaran taas oo madaxweynaha u ogolaanaysa inuu kharash meelo kale loogu talagalay u isticmaalo dhismaha darbi laga taagayo xadka koonfureed," bayaanka ayaa sidaasi lagu sheegay.

"Iyadoo aanay halis soo wajahan, in kharashka loo weeciyo dhismaha gidaar laga dhisayo xadka koonfureed waxa ay taasi waxyeelayn doontaa ammaanka qaranka maadaama dhaqaalaha wasaaradda Gaashaandhigga laga weecinayo mashaariic lagu dhowrayo mas'uuliyadda ciidammadayada iyo badqabka dalkayaga iyo si wanaagsan loo maamulaba."

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump

Saraakiisha ayaa sidoo kale waxa ay hoosta ka xariiqeen in dadka ka soo tallaaba xadka ay aad hoos ugu dhaceen oo ay gaartay heerkii ugu hoosaysay ku dhawaad 40 sanadood, taas oo ah mid ka duwan sheegashada uu Mr Trump ku soo celceliyay ee ku saabsan "dhibaatada" dadka sida sharci-darrada ah dalkaasi ku soo galaya inay ku jiraan dambiilayaal qaswadayaal ah iyo kuwo maandooriyaha ka shaqeysta, iyagoo intaas ku daray waxyaabaha sharci-darrada ah dalka laga soo galiyo kastamyada saxda ah.

"Sheegashadan waxa ay sii xumaynaysaa walaaca bini'aadamnimo ee ka jira xadka koonfureed," bayaanka ayaa sidaasi lagu sheegay.

"Xadka waxaa ka jira walaac bini'aadamnimo oo dhab ah, hasayeeshee inta badan arrimahaasi waxa ay ka dhasheen siyaasadaha ulakaca ah ee uu muhaajiriinta kula dhaqmayo maamulka haatan talada haya."

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Presentational white space

Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda John Kerry, midkii hore ee Gaashaandhigga Chuck Hagel, madaxii hore CIA-da Leon Panetta iyo Lataliyihii hore ee ammaanka qaranka ee maamulkii Madaxweyne Obama Susan Rice ayaa intuba waxa ay saxiixeen warqadda.

Bayaankan oo ka koobnaa 11 bog ayaa waxa uu imanayaa maalin un ka hor waqtiga uu Koongareeska Mareykanka codka u qaadi doono inuu hor istaago go'aanka Trump, taas oo laf ahaantiisu uu wacad ku maray inuu codka qayaxan dul dhigi doono.

Isbahaysi ay horkacayaan 16 gobol oo ay dimuqraadiyiin ka taliyaan ayaa sidoo kale waxa ay dacwad ku soo oogi rabaan maamulka Mr Trump iyagoo ku beegsanaya waxa ay ugu yeereen "ku takrifalka awoodaha madaxweynaha" ee gidaarka laga dhisayo xadka koonfureed.