Israa'iil oo duqeysay saldhig ay leedahay Iiraan

Xigashada Sawirka, AFP
Israa'iil ayaa sheegtay in duqeymo ay la bartilmaameedsatay fariisimo ay Iiraan ku leedahay gudaha Suuriya.
Bayaan ay soo saartay xukuumadda israa'iil ayaa lagu xaqiijiyay in weerarka lala bartilmaameedsaday saldhig ay Suuriya ku leeyihiin ciidamada gaarka ah ee ilaalada kacaanka Iiraan.
Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan caasimadda Suuriya ee Dimishiq ayaa sheegay in ay maqleen qaraxyo is xig-xiga.
Xukuumadda Suuriya ayaa dhankeeda sheegtay in gantaladeeda difaaca hawada ay soo rideen madaafiic lagu soo riday.
Rai'sul wasaaraha israa'iil oo booqasho ku maraya dalka Chad Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in dalkiisa uu leeyahay nidaam uu isugu dayayo in ay ku bartilmaameedsadaan fariisamaha Iiran ay ku leedahay gudaha Suuriya.
Israa'iil wax faahfaahin ah kama aysan bixin weerarka ay ka fuliyeen gudaha Suuriya.
Wakaaladda wararka ee xukuumadda Suuriya ayaa dhankeeda sheegtay in gantaladeeda difaaca hawada ay soo rideen gantaalo lala soo bartilmaameedsaday.
Kooxda xuquuqda aadanaha ee la socodka xaaladda Suuriya ee fadhigoodu yahay UK ayaa dhankooda sheegay in gantaalada Isra'iil lala bartilmaameedsaday goob u dhaw caasimada Suuriya ee Dimishiq.
Hay'adda ayaa intaa ku dartay in duqaymaha Israa'iil lagu burburiyay xarun la dhigo hubka.
Axaddii ayay ahayd markii Israa'iil ay sheegtay in ay qabatay gantaal laga soo riday Suuriya ka dib markii ay Suuriya ku eedeeysay Israa'iil in ay duqayn ka gaysteen gudaha Suuriya.
Waxaa inta badan nadir ah in ay Israa'iil qirato in ay weeraro ka fulisay gudaha Suuriya.
Bishii May ee 2018 ayay ahayd markii ay Israa'iil sheegtay in ay bartilmaameedsatay fariisimo ay Iiraan ku leedahay gudaha Suuriya.










