Askari boolis Masaari ah oo dhintay xilli uu kala furfurayay bam la dhigay meel u dhaw kaniisad ay qibdhiyiintu leeyihiin

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY
Askari boolis ah ayaa dhintay xilli uu isku dayay inuu kala furfuro bam la soo dhigay afaafka hore ee kaniisad ay leeyihiin Masiixiyiinta Qibdhiyiinta ee Masar, saraakiisha ammaanka ayaa sidaasi sheegay.
Mustafa Abid ayaa lagu soo warramayaa in uu ahaa nin ku xeeldheer kala furfurista iyo baarista miinooyinka. Qaraxa ayaa dhaawacay laba askari oo kale iyo mid ka mid ah dadkii goobta ka agdhawaa.
Qalabkan ayaa ahaa mid ka mid ah laba walxood oo kuwa qarxa ah oo la gusoo qariyey boorso la dhigay saqafka sare ee kaniisad ku taal degmada Nasr ee ku taal duleedka magaalada Qaahira.
Arrintan ayaa imaanaysa laba maalmood uun ka hor inta dadka masiixiyiinta ah ee reer Masar aanay u dabbaal dagin ciiddooda Chrismas-ka.
Ku dhwaad 10% ka mid ah dadweynaha reer Masar ayaa ah Qibdhiyiin, dad badan ayaana sheegaya in dawladdu ay faquuqday oo aanay siin ilaalo ku filan.
Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax al-Sisi - kaas oo sheegay inuu la ahaantiisa masiixiyiinta ka ilaalin doono kooxaha xagjirka ah - ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu kaniisadda ka furo duuleedka magaalada caasimadda ah ee Qahira, maalin uun ka hor dabbaal degga Chrismas-ka ee Qibdhiyiinta.

Xigashada Sawirka, EPA
Ma jirto koox sheegatay weerarka, balse fallaagada Islaamiyiinta ah ayaa si joogta ah horay weerar ugu qaadi jiray Qibdhiyiinta. In kabadan boqol Qibdhiyiin ah ayaa tan iyo sanadkii 2016-kii lagu dilay weerraro ay soo qaadeen kooxo jihaad doon ahi.
Bishii October, ayaa 17 qof lagu xukumay dil toogasho ah ayagoo la sheegay in ay ku lug lahaayeen weerraro bambaano oo lala beegsaday kaniisadaha Qibdhiyiinta.
Bishii taas xigtay, booliiska ayaa dilay 19 maleeshiyaad Islaamiyiin ah, kuwaas oo lagu eedeeyey in ay weerar ku qaadeen dad masiixiyiin ah.










