Waxaan ku marqaati furey ninkii isoo korsaday oo dilay 171 qof

Ramiro Osorio Cristales

Xigashada Sawirka, Richard Sennott / Ground Truth Project

Muddo 33 sanno laga joogo kaddib mid ka mid ah raggii ka badbaaday xasuuqii dagaalka sokeeye ee Guatemala, Ramiro Osorio waxa uu bishii la soo dhaafay kasoo muuqaday maxkamad si uu cadaymo usoo bandhigo oo ku saabsan mid ka mid ah dadkii dilalka gaystay. Balse ninka lagu sooo oogay dacwadda ayaa waxa uu horay u soo noqday askari waxaana lagu magacaaba Santos López, kaliye laguma soo eedaynin inuu xasuuqay qoyska Osorio iyo dariskood, waxa uu ahaa aabihii soo korsaday.

"Miyaan weli ka cabsadaa? Haa, waan ka cabsan jiray," ayuu yiri 41 sanno jirkan. "Balse waan ka soo horjeestay. Waxaan rabay inan xaq u helo dadkii uu dilay"

Askartii Guatemalan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Askartii Guatemala

Osorio waxa uu xasuustaa dhawaaqa iyo qaylida xilligii ay askarta jirddilka u gaysan jirtay nimankii halkaa ku sugnaa. "Mid mid ayaana ragga loo toogan jiray, maydadkooda hal meel ayaa lagu tuuri jiray."

"Marka ay ragga dilaan, ayey dumarka iyo carruurtana dili jireen," ayuu yiri Osorio.

Tuuladan oo la oran jiray Dos Erres, ayaa lagu aqoonsadaa xasuuqii ka dhacay halkaasi oo ay ku dhinteen 200 oo qof.

Ramiro Osorio Cristales
Qoraalka sawirka, Ramiro Osorio Cristales

Ramiro Osorio Cristales waxa uu sheekadiisa uga warbixiyey BBC.

Dad ka badan 200 oo qof ayaa dhintay xilligii uu socday khilaafkii u dhexeeyey ciidamada Guatemala iyo kuwa dhaqdhaqaaqii Marxist guerrillas.

Dagaalkan oo la soo afjaray sannadkii 1996-kii ayaa waxa dambiyo lagu soo eedeeyey qaar ka mid ah askartii ka qaybgashay. López waa qofkii lixaad ee dacwad lagu soo oogo.

Markii uu cadaymaha u gudbiyey maxkamadda, Osorio waxaa loo ogolaaday in uu qabsado dhakhtar caawiyo.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dagaal socday muddo saddex maalmood ah oo dhacay 8 bilood kaddib markii ay la wareegeeen ciidamo da'yar ah oo uu hoggaaminayey nin haysta diinta masiixiga oo lagu magacaabi jiray Efraín Ríos Montt, ayaa afgambin kula wareegay awoodda.

Efraín Ríos Montt

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Efraín Ríos Montt

Osorio waxaa uu sheegay inuu markii hore la dhacay warka, isagoo malaynaya, "Waxaan dib u yeelan doona qoys". Balse rajadiisa ayaa dhicisawday kaddib markii uu López uu shaqo adag u dhiibay, iskuulna uu u diray cunto la'aan ,garaacayna marka uu cabasho muujiyo".

"Aad ayaan u dhibooday, ma aanan garanaynin qofka uu yahay,"

Xilligaas ayaa waxa uu ahaa 1998-kii, dagaalka sokeeye waa uu dhamaaday, mucaaradka waxay samaysteen xisbiyo siyaasadeed.

Baadigoobka Oscar

Qoraalka Muuqaalka,
  • Baadigoobka Oscar Ramírez Castañeda waxa bilaaabay mid ka mid ah dacwad oogayaasha baarayay xasuuqa, taas oo mowduuc looga dhigay warbixin la diyaariyey 2017-kii.

Sannadkii 2016-kii López waxaa laga musaafuriyey dalka Mareykanka, halkaas oo uu si sharci darro ah ugu noola.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Osorio waxa uu walaac ka muujiyey inuu su'aashan ka jawaabo oo caddaymaha dacwadda soo bandhigo iyo in kale, balse ugu dambayntii waxa uu go'aansaday inay tahay mas'uuliyad saaran isaga.

López ayaa 22 bisha November waxaa lagu xukumay 5,000 sanno oo xarig ah, min 30 sano 171 qof ee lagu eedeeyey inuu dilay.