Hoggaamiyeyaasha EU oo heshiis ka gaaray ka bixitaanka Ingiriiska ee Midowga Yurub

Xigashada Sawirka, Reuters
Heshiiska ka bixitaanka Midowga Yurub ee Ingiriiska waxaa ansixiyay hoggaamiyeyaasha reer Yurub, sida uu shaaca ka qaaday madaxweynaha Midowga Yurub Donald Tusk.
Hoggaamiyeyaashan oo gaarayay 27 ayaa taageeray heshiiska ay Britain kaga baxeyso Yurub kaddib kulan qaatay wax ka yar saacad ay ku yeesheen magaalada Brussels.
Tusk ayaa Sabtidii ka dhawaajiyay in heshiiska qabyada ah la ansixin doono kaddib markii xukuumadda Spain ay ka laabatay go'aankeedii ku saleysnaa mustaqbalka gobolka Gibraltar.
Madaxweynaha golaha Yurub ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray heshiiska la ansixiyay ee ka bixitaanka Britain Midowga Yurub.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Heshiiska wuxuu u baahan yahay inay meel mariyaan baarlamaanka UK inkastoo xubno badan oo baarlamaanka ka tirsan ay kasoo horjeedaan.
Waxaa la filaya in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub 29 bisha Marso ee sannadka 2019-ka.










