Dabka California: Madaxweyne Trump oo booqday qasaaraha uu geystay dabki ugu waxyeellada badnaa oo Mareykan ka dhaca.

Madaxweyne Trump oo booqday qasaaraha uu dabka u geystay magaalada Paradise

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Trump oo booqday qasaaraha uu dabka u geystay magaalada Paradise

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gaaray California si uu u soo indha indheeyo qasaaraha ka dhashay dabka ka kacay gobolkaasi oo ay ku dhinteen 71 qof.

Wararku waxaa kale oo ay sheegayaan 1,000 qof oo kale in la la'yahay iyada oo mas'uuliyiinta gobolkaasi ay sheegeen tirada dadka dhintay iyo kuwa la la'yahayba ay isbedbeddeli karto.

Madaxweyne Trump oo magaalada Paradise uu dabka qasaaraha badan u geystay ka hadlay ayaa wuxuu ammaanay maamulka gobolka iyo shaqaalaha ku howlan baadi goobka dadka la la'yahay.

Wuxuuna Trump intaa ku daray "iney cidna ku fikirin iney sidan wax u dhacayaan, waana wax laga naxo waxaanna ku dadaaleynaa dadka ay masiibada ku habsatay sidi aan u caawin lahayn".

Trump oo booqday magaalada Paradise

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Trump oo booqday magaalada Paradise

"Waxaanna rajeeynayaa ayuu yiri masiibo noocani iney markale na soo marin, maadaamaa uu dabkan uu yahay kii ugu qasaaraha badnaa ee abid na soo mara".

Dab kan la mid ah oo ka dhacay Los Angeles oo ay seddex qof ku dhinteen waxaa lagu guuleystay in mudda gaaban lagu xakameeyo.

Toddobaadka soo socdana waxaa la saadaaliyey ayuu yiri roobab xooggan iney ka di'i karaan deegaannada uu dabku ku dhuftay marka maadaamaa ay daadad ka dhalan karaan waa in taxaddar weyn la sameeyaa maadaamaa ay dhirta inteeda badneyd ay gubatay.

Howlaha gurmadka waxaa ka qayb qaadan hayo ciidamo tira badan oo shaqaalaha gurmadka ka barbar shaqeeynaya.

Dadka dabka ku dhintay oo ay tiradoodu mareyso 71 qof ayaa waxaa Jimcihi seddex qof oo kale oo meyd ah oo dabka ku gubtay laga soo saaray dhismayaal ku gubtay magaalada Paradise.

Eeyda oo loo adeegsanayo baadi goobka dadka la la'yahay

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Eeyda oo loo adeegsanayo baadi goobka dadka la la'yahay

dadka marka hore la sheegay in la la'yahay oo lagu sheegay 631 qof 24 saac gudaheed waxay tirada dadka la la'yahay gaartay 1,011.

Inkasta oo tirada dadka la la'yahay iyo kuwa dhintayba ay isbed beddeli karto.

Khariidad Muujineyso Goobaha uu dabku ku dhuftay
Qoraalka sawirka, Khariidad Muujineyso Goobaha uu dabku ku dhuftay

Shaqaalaha dagaalka kula jira xakameynta dabka ayaa waxay sheegeen in si buuxda loo xakameyn karo dabka gabi ahaanti ay socon karto ilaa iyo dabayaaqada bishan.

Madaxweynaha wuxuu la kulmay dadka dabka ka badbaaday iyo shaqaalaha dab damiska ku howlan.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Telefishiinka Fox News oo madaxweynaha weydiiyey dabka inuu degdeg uu ku faafo iney ka qayb qaadatay isbeddelka cimilada ayaa wuxuu ku jawaabay "waa laga yaabaa inuu saameyn yar uu ku lahaa balse dhibka ugu weyn wuxuu ka yimid sida loo maareeyey".

Maamulaha California Jerry Brown, oo dhaleeceeyey hadalka madaxweynaha ka soo yeeray oo madaxweynaha soo dhaweeyey ayaa wuxuu sheegay "hadda waxaa loo baahan yahay iney tahay inaan iska kaashanno sidii aan u badbaadin laheen shacabka California ee ay masiibada ku habsatay".

Qoraalka Muuqaalka, Haweeney ka mid ah dadka ka badbaaday dabka California ka kacay

Roslyn Roberts, oo ka mid ah dadka guri uu kaga gubtay dabka California ka kacay ayaa waxay wakaaladda wararka Reuters ayaa waxay sheegtay "hadalka madaxaweynaha ee sheegaya iney maamul xumo dhinaca deegaanka ay ka timid ay tahay mid aan la qaadan karin kumannaan iyo kumannaan guri ayaa ku burburay dabkaasi dadka guriyahaa ku noolaa ee lafahooda u badbaaday ee ku sugan teendhooyinka waxqabad ayey u baahan yihiine hadal raqiis ah ah uma baahna"

Dad badan oo dabka ku dhintay waxaa laga soo saaray gawaarida dhexdooda

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Dad badan oo dabka ku dhintay waxaa laga soo saaray gawaarida dhexdooda
Diyaarada loo adeegsanayo daminta dabka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Diyaarada loo adeegsanayo daminta dabka

Taariiq ahaan gobolka California wuxuu dabka noocan ah uu ka dhici jiray xilliga xagaaga oo ay dhirtu qallalan tahay dabeeylahana socdaan.

dabka inuu si xowli ah uu u faafana waxaa gacan ka geystay dhirta oo qallaln, cimilada oo kululeyd iyo dabeylo California ka dhacayey.

Jaantus muujinaya inta jeer uu dabku ku dhuftay California iyo dadka ku dhintay
Qoraalka sawirka, Jaantus muujinaya inta jeer uu dabku ku dhuftay California iyo dadka ku dhintay