Somaliland: Madaxweyne Muuse Biixi oo muddo sanad ah kaddib isku shaandheeyey qaar ka mid ah golahiisa wasiirrada

Calanka Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madax bannaanida ee Somaliland
Qoraalka sawirka, Calanka Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madax bannaanida ee Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madax bannaanida ee Somaliland ayaa muddo sanad ah kaddib isku shaandheeyey Golahiisa wasiirrada.

Warbixintan oo uu Hargeysa nooga soo diray wariyaha BBC Axmed Saciid Cige ayaa wuxuu sheegayaa in qaar ka mid ah wasaaradaha Somaliland la isku shaandheeyey xubnaha xilalka cusub loo magaacabayna ay ka mid yihiin laba haween ah.

Xubnaha uu madaxweynaha maanta magacaabayna waxay kala yihiin:

1) Cusmaan Aadan Jaamac- waxaa loo magacaabay wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

2) Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (fartool)- oo ahaa wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

3) Dr Sacad Cali Shire- Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda waxaa loo magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

4) C/qaadir Maxamuud Shekh Muxumed dhagaweyne- wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Waxaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka cusub ee Maaliyadda iyo Iskaashiga Dhaqaalaha.

5) Daahir Axmed Furre- Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda Maaliyadda Waxaa loo magacaabay wasiir ku Xigeenka cusub ee Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska.

6) Axmed Abokar- Agaasimihii hore ee Wasaaradda Maalgashiga waxaa loo magacaabay Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

7) Yuusuf Maxa'ed Cabdi- Wasiirkii hore ee Maaliyadda iyo Barafasoor Maxamed Faarax Xareed- Agaasimihii hore ee wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Waxay labadooduba noqonayaan Xubno sare oo ka tirsan guddiga Tacliinta sare ee Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi tani iyo inta xilka madaxweynanimada loo doortay waxaa lagu dhaleeceynayey inuu dumarka xilal uu u magacaabin, madaxweynaha oo ka jawaabaya cabshada haweenka wuxuu magacabay laba xubnood oo dumar ah.

8) Deeqa Cabdi Yuusuf- oo loo magacaabay Agaasimaha guud ee cusub ee Wasaaradda Maalagshiga iyo

9) Faadumo C/llaahi Cumar- Guddoomiya ku xigeenka cusub ee Hay'adda Qoxootiga iyo Barakacayaasha Somaliland.

Tobankaasi xubnood ayuu Madaxweyne Muuse Biixi uu si rasmi ah uu xilalkaa ugu magacaabay.