Kooxaha samatabixinta oo kumannaan qof guryahooda ka saaray kaddib dab ka kacay California

USA

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Magaalada Paradise, oo ay ku nool yihiin 26,000 oo qof, ayaa dadka lagu amray inay isaga baxaan

Kumannaan qof ayaa laga saaray Waqooyiga California iyadoo dabeylo holac wata oo keymaha ka kacay ay ku wajahan yihiin dhowr magaalo oo ku yaalla buuralleyda Sierra ee dalka Mareykanka.

Dabkan oo shalay ka kacay meel u dhow Camp Creek, ayaa waxaa sii huriyay dabeylo xooggan iyo keymaha oo qallalan.

Magaalooyinka deriska la ah, iskuullada iyo isbitaallada ayaa dadka laga saaray, iyadoo qaar ka mid ah dadka ku nool magaalada Paradise ay ku xayiran yihiin meesha.

Maamulka gobolkaasi ayaa sheegay inay jirto khasaaro ka dhalatay dabkaasi.

Jawiga dabeylaha ayaa gaaray 50mph (80km/h), waxayna taas sababtay in holacu uu muddo saacado yar gudahood ku gaaro meelo badan, dadka qaarkood ayaa ku qasbanaaday inay ka tagaan gawaaridooda ayna lug ku baxsadaan, sida ay werisay warbaahinta gudaha.

Koofurta fog ee deegaanka Ventura oo u dhow Los Angeles, dabeylo xooggan ayaa adkeeyay dadaallada looga hortagayo holac kale oo ka kacay meel wax yar u jirta halka ay ka dhacday toogashadii ay Arbacadii ku dhinteen 12 qof.

USA

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dad-damiyeyaasha ayaa badbaadinayay dadka ku baxsaday lugta
USA

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY

Qoraalka sawirka, Bukaannada ayaa laga saaray isbitaal la rumeysan yahay inuu gubtay
USA

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dabka xoogga ku socday ayaa galaaftay maqaayadda KFC

Waxaa socda daad gureynta dadka looga saarayo magaalada Paradise ee waqooyiga California, oo hoy u ah qiyaatsii 26,000 oo qof, iyo sidoo kale Magalia, Concow, Butte Creek Canyon iyo Butte Valley.

Kooxaha gargaarka degdegga ah ayaa ka shaqeynaya samatabixinta dadka halkaasi ku xayiran.

USA

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY

Qoraalka sawirka, Dabeylo xooggan iyo keymaha oo qallalan ayaa dabka u sii huriyay holaca

Mid ka mid ah dadka ku nool Paradise oo ka qaxay halkaasi ayaa yiri: "Aad bey u kululeyd. Waa la dareemi karay."

Qaar kale ayaa sheegay inay arkayeen holaca oo baabi`inaya hantidooda, xilli iyaga laga daad gureeyay halkaasi.

USA

Xigashada Sawirka, Getty Images

Baraha bulshada, ayay dad badan ku wadaagayeen sawirrada waddooyinka oo uu dba ka kacay ama uu qiiq daboolay, waxayna codsanayeen in loo fidiyo gargaar oo qoysaskooda iyo saaxiibbadooda halkaasi laga saaro.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Gobolka ayaa wuxuu la daalaa dhacayaa dab ka kacay keymaha, kuwaas oo ay ku jiraan kuwii ugu darnaa ee Mareykanka soo mara, dabka Mendocino iyo Thomas oo tan iyo sanadkii hore far aba`an ku hayay gobolkaasi.