Ra'isul Wasaaraha Itoobiya oo sheegay in uu dil ka badbaaday

Xigashada Sawirka, WALTA TV
Ra'isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in qaar kamid ah askartii todobaadkii hore soo hor dhoobatay xafiiskiisa ay doonayeen in ay asaga dilaan.
Xilligaas oo uu xaaladdii baddalay asagoo amar ku siiyey in ay xabadka dhulka dhigaan oo ay jimicsi sameeyaan asna uu la sameeyey.
Mr Abiy iyo askarta ayaa la arkayey ayagoo wada qoslaya balse waxa uu baarlamaanka u sheegay "Qalbi ahaan in aanu faraxsanayn"
Lixdii bilood ee lasoo dhaafay, waxa uu sameeyey isbaddalo dhowr ah oo waaweyn wuxuuna sheegay in ciidamada qaar ay doonayeen in ay marinka ka weeciyaan.
"In qaar ciidamada kamid ahi ay socod ku tagaan madaxtooyada [xafiiska Ra'isul Wasaaraha] ma ahayn oo kaliya sharci darro balse waa arrin khatar ah, sababtoo ah ujeedadu waxay ahayd in isbadallada socda ay dhicisoobaan" ayuu ka yiri Mr Abiy kulan ay baarlamaanku su'aalo ku waydiinayeen.
" isla waqtigaas, markii xaaladda la xakameeyey kadib, waxaan maqlay ciidamada qaar oo leh: "wuu cararay intii aanan dilin ka hor."
Labada falcelis ee Abiy

Xigashada Sawirka, Reuters
Dad badan ayaa la yaabay sida uu Raisul Wasaaruhu arrintan uga hadlay todobaadkan oo ka duwan sidii uu todobaadkii hore uga jawaabay dhacdadaas.
Waxaa la arkayey asagoo qoslaya oo dhoollo caddaynaya, balse waxa uu baarlamaanka u sheegay in uu "Caraysnaa oo uu cabsanayey".
Waxa uu sheegay in uu ka baqay in uu dagaal qarxo ayadoo buu yiri " dad dhalinyaro ah … ay soo aadeen [Addis Ababa] si ay dagaal u kiciyaan"
Dhanka kale, waxaa jira dareen ah in dadka qaar aanay ku faraxsanayn isbadalladiisa.
Ra'isu wasaaraha ayaa horay u sheegay in ay jiraan "xoogag" aan oggolayn isbadallada uu samaynayo.
Eraygaas ayuu adeegsaday mar uu ka hadlayey iskuday kale oo la sheegay in la doonayey in lagu dilo iyo sidoo kale mar uu ka hadlayey rabshadaha qawmiyahada salka ku haya ee ka dillaacay qaybo kamid dalka.
Xaalad dareen dhalisay
10-kii October, dhowr boqol oo ciidamo gadoodsan ah, oo qaar kamid ah ay hubaysnaayeen, ayaa tagay xafiiska Ra'isul Wasaaraha - sida la sheegayna dalbanayey in mushahaarka loo kordhiyo.
Xalaaddaas ayaa dhalisay dareen, taas oo keentay in la xidho waddooyin aaggaas kuyaal khadka internet-kana la jaro muddo saacado ah.
Mr Abiy oo khamiistii xildhibaanada la hadlayey, ayaa sheegay in haddii aanu amarka jimicsiga bixin lahayn " ay xaaladda oo idil cirka isku shareeri lahayd … dadka qaar ayaa u arkayey Jimicsiga aanu samaynnay wax iska caadi ah. Balse, waxaan u adeegsannay in aanu xaaladda ku xakamayno"
Tan iyo markii uu xukunka qabtay bishii April, Mr Abiy waxa uu sameeyey isbaddalo waaweyn - oo ay kamid yihiin in uu xabsiga kasii daayey maxaabiistii siyaasadda u xidhnaa, in uu xayiraadda ka qaado kooxihii mucaaradka ahaa iyo in uu heshiish nabadeed la saxiixdo Eritrea oo ay muddo dheer cadaw ahaayeen.
Bishii hore, dacwad oogayaasha Itoobiya ayaa shan ruux oo la tuhunsan yahay ku eedeeyey argagixisnimo ku aaddan iskuday la doonayey in lagu dilo Mr Abiy oo loo adeegsaday bambo gacmeed oo lagu qaaday isu soobax dadweyne oo dhacay bishii June.










