Lee Myung-bak: Madaxweynihi hore ee Kuuriyada Koonfureed oo loo diray 15 sano oo xabsi ah

Lee Myung-bak waxaa maxkamadda ku taallo Seoul la soo taagay bishi September

Xigashada Sawirka, AFP/Getty

Qoraalka sawirka, Lee Myung-bak waxaa maxkamadda ku taallo Seoul la soo taagay bishi September

Madaxweynihi hore ee Kooriyada Koonfureed Lee Myung-bak ayaa lagu xumay 15 sano oo xabsi ah.

Lee waxaa Jimcihi xukunkaasi ku ridday maxkamad ku taallo Seoul, iyada oo lagu helay musuqmaasuq, ku takrifalid awoodeed iyo lacag dhan 13 billion (11.5) oo uu amray in ganaax ahaan loo bixiyo.

Mr Lee wuxuu eeddaasi ku tilmaamay mid siyaasadeysan oo xaqiiqda ka fog.

Mr Lee wuxuu noqday madaxweynihi afaraad ee Kuuriyada Koonfureed oo xabsi loo dhigo arrima la xiriiro musuqmaasuq iyo ku tagrifalid awoodeed.

Park Geun-hye oo isagana horay madaxweyne uga soo ahaa ahaa dalkaasi Kuuriyada Koonfureed waxaa horay looga xukumay 33 sano oo xarig ah .

Lee xilliga ay maxkamaddu xukunka ku rideysay maxkamadda wuxuu uga maqnaa xaalad caafimaad darro oo la soo deristay.

Garsooraha maxkamadda ayaa wuxuu sheegay "xukunka in la adkeeyo iney sababtay dacwadda Lee lagu soo oogay oo ah mid aad u culus."