Madaxda dalalka IGAD oo u fadhiya in Eritrea lagu soo dhoweeyo xubinnimada ururka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaliya, Axmed Ciise Cawad, oo waraysi gaar ah siinayey laanta af Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in arrinta Eritrea looga hadlayo shirka madaxda IGAD ee galinka dambe.
Wuxuu sheegay in laga gudbay "arrintii keentay in markii horeba laga saaro ururka", isagoo sheegay in "xalay dhalay laga noqday".
Arrintaas ayuu sheegay in sababteeda ay leeyihiin "hogaamiyeyaasha cusub ee yimid, ayadoo la go'aansaday in dhinaca iskaashiga loo jihaysto".

Doorka Soomaaliya ay ku leedahay arrinta Eritrea iyo Jabuuti ayuu ku tilmaamay inuu yahay "isu soo dhoweynta dalalkaas. Labada dal waxay ballan qaadeen inay dhamaynayaan khilaafka" ayuu yiri.
Labada madaxweyne ee labada dal, Isaias Afwerki iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la filayaa in ay ku kulmaan goobta Shirka.
Madaxweyanaha Soomaaliya, Maxamed C/laahi farmaajo ayaa isna duhurnimadii maanta gaaray magaalada Addis Ababa.

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Garoonka waxaa uga hor tagay ku simaha madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar iyo madaxa xisbiga deegaanka ka arrimiya, Axmed Shide.
Mustafe Cagjar wuxuu bartiisa Twitter soo dhigay qoraal uu ku sheegayo in ay tahay "markii ugu horraysay ee ay is gacan qaadaan madaxweyne Soomaaliyeed".
Farmaajo wuxuu ka mid yahay madaxda IGAD ee doorka weyn ka qaatay isu soo dhoweynta Eritrea iyo Jabuuti.
Gelinkii hore ayaa waxaa aad looga hadlay arrinta South Sudan.










