Nin loo xukumay "dilki been abuurka" ee Ukraine

Xigashada Sawirka, Reuters
Wakaaladda sirdoonka Ukraine ayaa waxay sheegtay in ninka dilka been abuurka geystay lagu xukumay afar sano iyo bar xarig ah isaga oo qirtay inuu dili rabay wariyaha Ruushka u dhashay ee magangalyada Ukraine ku joogay Arkady Babchenko.
Borys Herman ayaa wuxuu qirtay inuu dambigaasi galay isaga oo weliba gacan buuxda siiyey laamaha amniga ee baritaanka ku sameeyneysay kiiskan.
Waxaana sida oo kale lagu soo eedeeyey inuu u dhaxeeyey oo uu xiriirinayey shaqsiyaadka Ruushka kala soo xiriirrayey ee rabay in ninkan la dilo iyo ninka loo kireystay inuu Kiev ku soo dilo Babchenko.
Mr Babchenko ayaa dilka ka badbaaday isaga oo war been ah ka gudbiyey geeridiisa.
Waxaana arrintaa gacan ka siiyey ninki loo soo kireystay inuu soo dilo iyo laanta sirdoonka Ukraine.
Marka wararka dilka ninkaasi 41-jirka ah si weyn loo baahiyey kaddib ayaa wuxuu ninki la sheegay inuu dhintay uu ka soo muuqday warbaahinta.
Xiriirka u dhaxeeya Kiev iyo Moscow ayaa wuxuu ahaa mid sii xumaanayey wixi ka dambeeyey qabsashadi Ruushka ay creamea sida sharci darrada ah ku qabsatay 2014-ki, islamarkaana kooxaha hubeysan ee ka soo horjeedo Ukraine ee ka dagaallama bariga Ukraine ay hub ku taageertay.

Xigashada Sawirka, Reuters
Ninka loo soo kireystay inuu Babshenko soo dilo ayaa wuxuu sheegay inuu la kaashaday laamaha ay quseyso si ay arrinta xog buuxda uga helaan.
Oleksiy Tsymbaliuk oo horay u ahaa badari ka tirsan kaniisadda Orthodox ayaa wuxuu BBC-da u sheegay horraanti sanadkan inuu laamaha amniga uu Mr Herman qash ka soo siiyey sida ay wax u dhacayaan, uuna u sheegay in laga codsaday inuu Babchenko soo dilo.
Mr Herman kama labalabeyn inuu arrinta uu badariga Mr Tsymbaliuk la wadaago wuxuuna sida oo kale uu billaabay inuu laanta sirdoonka Ukraine uu kala shaqeeyo isaga oo weliba u sheegay inuu wararka khaarijinta ninka wariyaha ku saabsan uu ku been abuuranayo ayna go'ankaasi isla qaateen hay'adaha Amniga ee dalkaasi Ukraine.










