Dalxiisayaal Maraykan ah oo ku tuntay ugxaan shimbiro muhiim ah

Xigashada Sawirka, Audubon
Dad u dalxiis tagay xeebaha gobolka Alabama ee dalka Maraykanka ayaa la sheegay in ay riiqeen boqolaal ugxaan oo ay xeebta ku dhaleen nooc shimbiraha ka mid ah oo sii dabar go'aya.
Hay'adda xanaanaynta xayawaanka ayaa heley ukumo tiro badan oo la burburiyay, waxayna u badantahay in kubbadda shabaqa lagu ciyaaray meesha.
Waxaa kale oo ay u muuqatay in ay shimbiraha aagga ka eryeen, taas oo keentay in ay goobo kale raadsadaan.
Arrinta muhiimka ah ayaa waxa ay tahay in shimbirahan ay yihiin kuwa adduunka kasii dabar go'aya, waxayna ka mid yihiin

Xigashada Sawirka, Audubon
Shimbirahan ayaa ku nool jasiiradda Mobile Bay, halkaas oo ugxaanta ku dhalaan, kuna tarmaan, aadna loogu illaaliyo.
Gabadha lagu magacaabo Sarah Randolph ayaa BBC-da u sheegtay in jasiiradda ay hoy u tahay illaa 11 nooc oo shimbiro.

Xigashada Sawirka, Audubon

Xigashada Sawirka, Audubon
Dhallaan badan oo shimbiro ah oo aanan weli ukunka ka jabin ayaa cadceedda looga tagay, iyada oo shimbirihii dhalay ee hadhka u u ahaa ay kala carareen.

Xigashada Sawirka, Audubon
Saraakiisha xanaanada xayawaanka ayaa sheegay in ay dadka ka foojignaadaan ficilada caynkan oo kale ah, waxayna sheegeen in ay habboontahay in dhacdadan loo isticmaalo in lagu wacyigaliyo dadka.
Shimbirahan ayaa horey dhibaato weyn uga soo gaartay markab shidaal ku qubey xeebta sanadkii 2010-kii.

Xigashada Sawirka, Audubon










