Indonesia: Boqolaal ruux oo dhulgariir laga soo badbaadiyay

Qoraalka Muuqaalka, Dhulgariirka ayaa horseeday in dhulka jooga sare uu go'o

In kabadan 500 oo ruux oo dhulgariir ku go'doomiyay buur ku taalla jasiiradda Lombok ee dalka Indonesia ayaa la soo badbaadiyay iyaga oo badqaba.

Dhulgariir cabirkiisu yahay 6.4 ayaa Axaddii horseeday in uu dhul go'ay uu xayiro waddooyinkii ka soo baxayay buurta Mount Rinjani.

Qaar badan oo ka mid ah dadka buuraha kora iyo kuwii hagayay ayay u suuragashay in ay lug ku soo baxaan ka dib markii loo helay marin ay ku samato bixi karaan.

Ugu yaraan 16 ruux ayaa ku dhintay dhulgariirkaas in kabdan 330 ruux ayaana ku dhaawacmay.

Qaar ka mid ah dadka la soo badbaadiyay ayaa gargaar caafimaad u baahday

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah dadka la soo badbaadiyay ayaa gargaar caafimaad u baahday

Shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa wali iskudayaya in ay soo dajiyaan maydka nin reer Indonesia ah oo u dhintay jug ka soo gaartay dhagax ku soo fakaday, qof kale oo reer Malaysia ah oo dalxiis u socday ayaa isna geeriyooday.

Foolkaanaha oo joogga badda ka sarreeya 3,726 oo mitir ayaa ah midka labaad ee ugu dheer dalka Indonesia, wuxuuna soo jiitaa dadka ka hela in ay joogga sare wax ka daawadaan.

Gita Dwipayasantri oo haysa gabadheeda