Militariga Israa'iil oo daadgureeyay kooxaha loo yaqaano kofiya cad ee dalka Suuriya

Xubnaha koofiya cad ayaa ka howlgalaa magaalada Aleppo ee waqooyiga Suuriya

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Xubnaha koofiya cad ayaa ka howlgalaa magaalada Aleppo ee waqooyiga Suuriya

Israa'iil ayaa bilaawday daadguraynta kooxda ka shaqayso badbaadinta shacabka dagaallada ay ragaadiyeen ee dalka Suuriya.

Ciidammada difaaca Israa'iil ayaa sheegay in Mareykanka iyo dalalka Midowga Yurub ay horraan ka codsadeen inay soo daad gureeyaan kooxaha caawiya shacabka Suuriya.

Dad gaaraya 422 qof ayaa loo daadgureeyay dhulka ay Israa'iil ay haysato ee buuraha Golaha Heights, sida ay ku warrantay warbaahinta Israa'iil.

Kooxahan loo yaqaano koofiya cad ayaa ka howgalayay deeganada ay haystaan kooxaha mucaaradka ee koonfur galbeed dalka Suuriya kuwaaso ku go'doonsanaa duqaymaha ay wadaan ciidamada dowladda.

Ciidamada Israa'iil waxay sheegeen inay soo gabagabeyeen dadaalada ay ku soo daadguraynayaan kooxaha badbaada iyo qoysaskooda oo khatar ku jirtay noloshooda.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Afahayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa'iil ayaa xaqiijiyay in dadka laga soo daadgureeyay dalka Suuriya ay yihiiin kooxaha kofiya casta iyo qoysaskooda balse ma uusan xaqiijinin dalka qaabili doono dadkani.

Kooxahan loogu yeero koofiya cad ayaa isku tilmaamaa inay yihiin kooxo isa soo xilqaamay oo ka shaqaynaya badbaada shacabka ku dhibaataysan dagaallada Suuriya.

Si kastaba, dowladda Urdun waxay xaqiijisay in Qaramada Midoobay ay fartay in dad gaaraya 800 oo Suuriya u dhashay ay ka gudbaan dalka Urdun sii dib u dejin ay uga helaan dalalka reer galbeedka.