Dib u heshiisiin loo fariistay Ceel Afweyn

Xeerbeegtida oo fadhida furitaanka shirka
Qoraalka sawirka, Xeerbeegtida oo fadhida furitaanka shirka

Magaalada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shir dib u heshiisiineed oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaal dhowr sanadood halkaa ku dhex marayayey laba beelood.

Qabanqaabada shirweynaha ayaa soo socotay labadii bilood ee u dambeeyey.

Waxaa u xilsaaran inay xaajada ka gar naqaan 66 xubnood oo isugu jira xeerbeegti, culumaa'udiin iyo madax dhaqameed.

Waxaa iyaguna jooga odayaal iyo waxgarad kale oo guddigaas culays ku saaraya sidii mushkiladda xal looga gaari lahaa.

Qaar ka mid ah culumada shirka ka qayb galaysa
Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah culumada shirka ka qayb galaysa
Sh. C/laahi Sh. Cali Jowhar, Sheekhul Beledka Boorama
Qoraalka sawirka, Sh. C/laahi Sh. Cali Jowhar, Sheekhul Beledka Boorama
Sheekh Maxamed Cumar Dirir
Qoraalka sawirka, Sheekh Maxamed Cumar Dirir
Sheekh Ismaaciil cabdi Hurre (Sh. Ismaaciil dheeg)
Qoraalka sawirka, Sheekh Ismaaciil cabdi Hurre (Sh. Ismaaciil dheeg)

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan baarlamaanka jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, oo BBC la hadlay ayaa sheegay inuu rajaynayo in shirkaasi uu miro dhalo.

"Maanta cidi nagama maqna, sheekh iyo shariifba waynu wada joognaa, walaalnimda iyo ehelnimada iyo gacalnimada qaata" ayuu yiri.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Ismaaciil (Saylici) ayaa dhinacyada ugu baaqay inay u hogaansamaan go'aannada ay cuqaashu gaaraan.

Shirweynahan waxaa aad isha ugu haya dadka reer Somaliland, ayadoo colaaddan oo soo noqnoqotay dhowrkii sano ee u dambeeyey ay ku dhinteen dad ku dhow ilaa 100 qof.

Dadka arrimaha shirkan u dhuun daloola waxay BBC u sheegeen in aan loo kala kici doonin ilaa iyo inta xal laga gaarayo.