Poland:Muran ka dhashay isbadal lagu samaynayo sharuucda garsoorka

Xigashada Sawirka, EPA
Rai'sul wasaaraha dalka Poland ayaa difaacay sharciyada cusub ee dalkaasi oo ku qasbaya garsoorayaasha in ay howlgab noqdaan marka ay gaaraan 65 sano.
Mateusz Morawiecki ayaa sheegay in garsoorayaashii joogay xiligii shuuciyadda ay wali fadhiyaan maxkamada ugu sareysa dalkaasi.
Waxa uu intaa ku daray in nidaamka maxkamadaha dalkaasi aan wax isbadal ah lagu samayn tan iyo intii ay burburay nidaamkii Shuuciyadda sanaddii 1989.
Dadka arrintan dhaliilsan ayaa u arka in arrintani ay tahay mid wax u dhimaysa madaxbanaanida garsoorka.
Mar sii horeysay madaxa maxkamada ugu sareeysa dalka Poland, Malgorzata Gersdorf, ayaa shaqdeeda iska soo xaadirisay iyada oo ay jirtay in loogu baaqay in ay howlgab noqoto.
Waxa ay sheegtay in ay shaqadeeda sii wadan doonto ilaa ay ka dhamaanayso waqtigeeda shaqo oo ah 6 sano.
Sharcigan cusub ayaa ku qasbay guddiga midowga Yurub in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan xukuumadda Warsaw.
Kooxaha u ololeeya arrimaha bulshada ayaa dhigay dibadbaxyo ay kaga cabanayaan isbadalada lagu samaynayo waaxda garsoorka dalkaasi.










