Kuuriyada Waqooyi oo badashay borobagaandadii

Xigashada Sawirka, DPRKToday
Bilihii lasoo dhaafay, waxa ay u muuqataa in laamaha borobagaandada u qaabilsan Kuuriyada Waqooyi ay badalayaan codkii ay ku hadli jireen iyo fariimihii ay faafin jireen.
Boorarka waxaa markii hore ku qornaan jirey fariimo ka dhan ah Maraykanka, kaas oo loo arkay cadawga koowaad ee Kuuriyada Waqooyi.
Balse dadka dhawaanta booqday Pyongyang ayaa sheegaya in uu dhacay isbadal weyn.
Maraykanka hadda ma ahan cadawga koowaad?
Inta badan dadka reer Kuuriyada Waqooyi galaangal uma lahan wararka iyo xogaha, meesha kaliya ee ay wararka ka helaana waa warbaahinta dowladda oo kaliya faafisa dacaayado maamulka lagu taageerayo.
Iyada oo caadi ahaa boorarka lagu xardhi jiray hanjabaado loo jeedinayo Maraykanka ayaa waxaa hadda badalay horumarka dhaqaalaha ee la doonayo in dalkaas la gaarsiiyo.

Xigashada Sawirka, Peter Ward

Xigashada Sawirka, DPRKToday
Kadib wadahadlo bilo qaatay, labada Kuuriya iyo Maraykanka ayaa waxa uu horseeday rajo laga qabo nabadda.

Xigashada Sawirka, DPRKToday
Waxyaabaha isbadalay waxaa ka mid ah fariimihii ku qornaa waraaqaha boostada iyo dokumendiyada dowladda ee ku saabsanaa gantaalada niyuukleerka ah iyo awoodda ciidan.
Meelaha isbadalka ku dhacay xitaa waxaa ka mid ah wargeyska qaranka ee afka dowladda ku hadla, kaas oo badalay aragtiyadii uu gudbin jiray.
Waxa uu warar aan fiicneyn ka qori jiray Maraykanka , iyada oo xukuumadda Washington loo muujin jirey qaab aan haboonayn.

Xigashada Sawirka, Rodong Sinmun










